Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ardayda Wax ka Barata Dugsiga Sare ee Ilays oo lacag Taakulo ah ku Wareejisay Guddiga Gurmadka Abbaaraha Qaranka

Ardayda Wax ka Barata Dugsiga Sare ee Ilays oo lacag Taakulo ah ku Wareejisay Guddiga Gurmadka Abbaaraha Qaranka

Hargeysa (maantasomaliland)- Ardeyda wax ka dhigata dugsiga sare ee Ilays, ayaa deeq taakulo lacageed ah oo ay iska soo ururiyeen ku wareejiyey Guddiga abbaaraha ee qaran. Xaflad loo sameeyay wareejinta deeqdan lacagta ah oo lagu qabtay dugsiga sare ee Ilays, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socda xukuumadda, culima aw-diin, maamulka dugsiga iyo ardeyda Ilays.

Furitaankii Madashaasi ayaa waxa ka hadlay maamulaha dugsiga Ilays Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Aw Cabdi oo si weyn ugu mahad-naqay ardeydiisa, waxaannu sheegay in ardaydiisa iska soo ururiyeen deeqdan lacagta ah si ay ugu kaalmeeyaan dadka tabaalaysan ee abbaarahu ku habsadeen, taasina ay tahay mid ku dayasho mudan.

Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu intaa ku daray in aanay talaabadani ahayn tii ugu dambaysay ee ay kaga qaybqaataan hormarka dalka iyo taakulaynta dadka dhibaataysan ee maasiibooyinka dabiiciga ah ku habsadaan.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaaf Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa aad ugu mahad-naqay talaabada wax ku oolka ah ee ay qaadeen ardeyda wax ka dhigata dugsiga sare ee Ilays. Waxaannu uu so jeediyey ardeyda kale ee reer Somaliland in ay sidaa si la mid ah uga qaybqaataan horumarka dalka iyo wax la qabashada dadkooda.

Sheekh Khaliil, waxa uu aad ugu duceeyey ardeyda iyo in uu Illaahay shacabka ka dul qaado Masiibooyinka dabiiciga ah ee haleelay dadka.

Sheekh Maxamed Aadan oo isaguna ka mid ah culimida waaweyn ee dalka, isla markaana ka tirsan guddida abbaaraha qaranka, ayaa aad ugu ammaanay talaabada ku dayashada mudan ee ay qaadeen ardayda dugsiga sare ee Ilays, waxaannu Sheekhu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horraysay ay ardeyda dugsiga Ilays ay ka qaybqaataan taakulaynta abbaarahan, isla markaana ay noqdaan ardeydii ugu horeysay ee ka qaybgasha dedaalka wax loogu uruurinaayo muwaadiniinta ay abbaaruhu iyo biyo la’aantu ku habsadeen.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure, ayaa isagna aad ugu mahad-naqay kaalinta ay ardeydu kaga qaybqaadanayaan gurmadkan abbaaraha, waxannu uu ku ammaanay ardeyda dugsiga Ilays hormoodka ay u noqdeen ardeyda kale ardeyda kale ee lodkooda ah, isla markaana ay ku ammaanan yihiin kaalintan ay qaadeen.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Hodan Xuseen oo ka mid ah ardeyda wax ka dhigata dusiga sare ee Ilays, ayaa soo dhaweeyey guddiga gurmadka abbaaraha aadna ugu ammaanay shaqada ay u hayaan shacabka iyo qarankaba. Waxaanay labadan ardey ka hadleen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay wax ka gaystaan gurmadka dhibaatada ee taabatay shacabka reer Somaliland.

Waxa kale oo munaasibadaas iyaguna ka hadlay culimo aad u tiro badan oo iyagu aad ugu ammaanay ardeyda talaabadan ay qaadeen ee ay ugu gurmanayaan dadka dhibaataysan ee reer Somaliland, kuwaas oo iyaguna u duceeyey ardeyda iyo in uu Illaahay dadka ka dul qaado abbaaraha iyo biy la’aanta.

Ardaydii Jaamacadaha iyo Iskuuladu Markay waayeen meel ay wax ku Akhristaan Waxay Dantu Baday Inay Miciin Bidaan Masaajidada

Ali Abdi Abdule Hargeysa Email: abwaan120@hotmail.com

Waxaan ka wada dheregsanahay in waxa ay umaduhu isku dhaafaan ay tahay Waxbarashada. Hadaba xagaynu inagu ka joognaa waxbarashada? Waxaa hubaala in la wada dedaalayo, Dawlad iyo Shacaba. Hayeeshee waxaa meesha ka maqan wixii aynu ku kasban lahayn aqoonta iyo waabarashada,oo ah Buugaagta meelaha lagu daalacdo iyo meelaha laga iibsado (libraries and bookshops).

Waxaad isweydiisaa wadankeena S.L maleeyahay Laybareeriyo ama bookshops? Jawaabtu waa maya.

Ka bilaw Caasimada Hargeysa waxaa ku yaala waxaan ka badnayn 2 ama 3 laybareeri (public library) oo ay yaalaan tiro aan boqol gaadhin oo kuraasi ah oo ay merfashyadoodu basaaseen buugta taalaana ay u badan yihhiin kuwo laga baxay oo aan u adeegayn aqoonta aynu u baahanahay ee casriga ah. Goboladda kalena sida Burco,Borama, Ceerigabo, Berbera iyo Laascaanood oo aan la xidhiidhay qaarna aan ka warhayona hadalkoodaba daa.

Waxay iswaydiintu tahay umad tirdoodu lagu qiyaaso in ka badan 3 million (saddex malyan) oo joogta sanadda 2011 ma waxaa ku filaatay saddex laybareeri (public library) oo ay merfashyadoodu haanahayaan (madhan yihiin) oo aan 100 (boqol) qof wax ku akhrisan Karin? Waar la yaaba.

Arintaasi waxay keentay in ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyaddu ay Masaajidada wax ku akhristaan markay waayeen meel ay wax ku akhristaan , mararka qaarkoodna waxaa indhahaagu qabanayaan Mu’adinkii Masaajidada iyo ardaydii oo isku haysta Masaajidka waan xidhayaaye ka bax iyo waxbaan ku akhrisanayaa oo marmarka qaar isu rogta gacan ka hadal, adigaa yaabi.

Geesta kale 100 kii mitirba waxaa ku yaala bakhaaro iyo dukaano lagu iibiyo cuntooyinka iyo bagaashka, laakiin ma helaysid meel bookshop ah oo aad ka iibsato buugta aad u baahan tahay inaad akhrisato ama waxka baadho. Waa layaab kale.

Hadaba yaa looga baahan yahay janay kobciso oo ay abuurto laybareeriyo babliga (public library) iyo aaladaha kale ee u adeegaya aqoonta? Waa xukuumada oo aan weliba ku tuhunsanaa dad aqoonta iyo cilmiga ku dhowdhow, ha yeeshee si ay ka noqotayba ma arag cid weli ku baraarugsan arintaa qalbi jabka leh oo ka tirsan xukuumadda jirta, malaha way ka hoostay.

Ugu danbaytii waxaan u soo jeedin lahaa maamulka maanta jira sidan:

1- inay ka aasaasto laybareeriyo degmooyinka iyo gobolada dalka.

2- Inay ummada u raadiso buugaagta ee aqoonta laga kasbado in ka badan inta ay doonayso waxa loogu yeedho aqoonsiga, oo aan aaminsanahay in aynu kaga maarmi karo haddii aynu aqoonteena iyo cilmigeene dhisno.

3- In miisaaniyada qaranka lagu daro wixii hawlahaa lagu fulin lahaa.

Maantasomaliland.com/Hargaysa
Xuseen Cabdi Muxumed (Xarbi)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com