Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Allihii ku Abuuray Eed ma leh ee Xisbigii ku dirtay ayaa Ayaan-daran”

“Allihii ku Abuuray Eed ma leh ee Xisbigii ku dirtay ayaa Ayaan-daran”

Musuq-maasuqii baahsanaa ee ay ku caano maalijireen Masuuuliyiintii Xisbiga Udub ee ahayd Qaataye Qaado. Qalinkii Ifraax Aw Yuusuf

Ugu horayn waxaan salaamayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliland
mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaayo) iyo Shacabka Reer Soomaliland
ee gartay inay doortaan Madaxwayne Siilaanyo, waxaan kale oo aan
iyagana u dirayaa Hambalyo Golaha Xukuumada ee mudadii yarayd ee ay
xilka hayeen sidii ugu fiicnayd ee ay xilkasnimadu ku ladhnayd ugartay
waajibaadkoodii shaqo ee ay u hayeen Umada Reer Somaliland.

Waxaana wax lagu farxo ahayd Dawlada joojisay kuna guulaysatay inta
badan Musuq-maasuqii ragaadiyay Dawladii hore kuna badashay waxqabad
lagu faani karo dhamaan shacbiga doonaaya in Dalkoodu gaadho Horumar
balaadhan, Hase yeeshee waxaa wax laga naxo ah Masuuliyiinta ku
durduriyay Horumarkii soomaliland hiigsanaysay inay gaadho, kana
naxaya wax kasta oo Wax Qabad u ah Dadkeena.

Waxaa layaab leh oo Fajaciso nagu noqotay Nin isku sheegaayay Masuul
Qaran horana Umadan ugu soo shaqeeyey oo Baylah loo diran jiray, kana
tirsan Xisbiga Udub oo lagu magaacaabo Yusuf Ciise Talaabo inuu
aflagaadeeyo madaxwaynaha, iyada oo laga dharagsan yahay Xisbigii uu
ka tirsanaa ee Udub ee uu Masuuliyiinta ka soo ahaa Hagardaamadii ay u
gaysteen Dalka iyo Dadka iyo Musuq-maasuqii baahsanaa ee ay ku caano
maalijireen Masuuuliyiintii Xisbiga Udub ee ahayd Qaataye Qaado. May
ahayn inuu ku caayo Dawladan haysay Xukunka Lix Bilood oo kaliya ee
qabatay wixii ay qabankariwaayeen Xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa
Yuusuf Talaabo Siddeed Sanadood ee ay Xilka hayeen, waxay ka dhigan
tahay inay ku caayayaan Madaxwaynaha iyo Maamulkiisa Maxay
Musuq-maasuq u samayn waayeen ee ay u Boobi laayi’iin Hantida Umada?
Maxay Mushaharkii aanu Sideeda Sanno kordhin waynay u kordhiyeen?
Maxay Shacbigii aanu Xaqooda ku dul Cunaynay noogu baraarujiyeen? waa
taasi ta ay Madaxwaynaha ku Aflagaadeynayaan ee ay ugu Tilmaamayaan
in Caafimaadkiisa labaadho.

Waxaan leeyahay Madaxwaynaha Soomaaliland ee maray Jidka toosan kana
leexday wadadii ay ku fashilmeen Talaabo iyo Saaxiibadiisii ka
tirsanaa Dawladii hore in uu Mahad koowaad uu leeyahay Allaheena wayn
ee ku garansiiyay inaad doorato Wasiiro Aamina oo Illaalinaaya Hantida
Shacabka Reer Soomaaliland ee u heelan Wax u qabashada Dadkooda.

Waxaan Ninkan Madaxwaynaha Aflagaadeeyey iyo wixii neceb Horumarka
Soomaaliland ku talaab-satay Mudadii koobnayd in idinkana Illahay Idin
garansiiyo Jidka toosan hana idiin soo celiyo Dariiqa Soomaliland
martay ha idin mariyo.

Ugu danbayntiina waxaan leeyahay Ninkan Madaxwaynaha aflagaadeeyay
(Allihii ku Abuuray Eed ma leh ee Xisbigii ku dirtay ayaa Ayaan-daran
) Buraanburkan ayaan si gaara ugu dirayaa isaga,

Oday beesha haroora *Oo qabyaalad ka shaqeeya
Madaxwayne dareensan *oo danba aan ka galaynoo
Illaha daainka ahi *danbigaada ha dhaafo
Damiir laaweyaashii *dalkooda cunaayay
Ee dadku ay ku ka ceen *ee duhur dheer la darer shay
Hantiday cunayeenbuu *geesigii ka hagaajay
Waxay duunyo liqeen*ama ay dad dileen
Xisaabaa dabo taala *adigoo lixbilood
Wixii ay cunayeen *umadaada horkeenay
Oo dad koodii hagaajay *oo hantidoodii u kayd shay
Iyagoo dhib ka keenay haday aflagaadooyin keenaan *siilaanyow udulqaado
Oo dalkaaga hagaaji *oo dantaada ka raac
Oo siilaanyo daganow

Xaliimo Kiin Muuse ( xoghayaha ururka now ee Gobolka Gabiley )
Ifraax Aw Yuusuf Magan ( Gudoomiyaha Garabka Dhaliyarta ee Xisbiga Kulmiye

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com