Wadahadaladii uu Urrur Goboleedka IGAD ku dhexdhexaadinayay dawlada dalka Soomaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaliya ee ka socday magaaladda Addis Ababba ayaa lagu soo waramayaa in la isku mari waayay oo uu qarka u saraan yahay in uu burburo oo lagu kala kaco,
(maantasomaliland):-Wadahadaladii uu Urrur Goboleedka IGAD ku dhexdhexaadinayay dawlada dalka Soomaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaliya ee ka socday magaaladda Addis Ababba ayaa lagu soo waramayaa in la isku mari waayay oo uu qarka u saraan yahay in uu burburo oo lagu kala kaco,
Wada xaajoodkan galabta ka socda magaalada Addis Ababba, oo ah mid allbaabadu u xidhan yihiin oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac ay kala taagan yihiin qir iyo qir, waxaana socda dadaalo hor leh oo dhexdhexaadin ah oo dawladda dalka Ethiopia ay wado oo ay dhinacyada la yeelanayso kulamo gooni gooni ah, waxaana la filayaa goor dhaw oo caawa in si rasmi ah loo saari doono natiijadda ka soo baxda wadahadaladan dhex maraya dhinacyadda.Si kastaba ha ahaatee,Illo wareedyo ka ag dhow wadahadaladan ayaa tibaaxaya in ismari waaga ka dhex alloosan labada dhinac ay sabab u ahayd ka dib markii Ergadii dhexdhexaadinta uga qayb gashay dawlada wadanka Soomaaliya ay ku doodeen in dawladdu ay gacanta ku hayso maamulka dakadda iyo garoonka dayuuradaha ee magaaladda Kismaayo, arrintaas oo ay si weyn uga biyo diideen ergadii maamulka Jubbaland uga qayb gashay wada xaajoodka, iyada oo xiisad aad u weyni ay ka dhex alloosantay madasha taas oo keeeni karta in lagu kala kaco dhexdhexaadintan, waxaana hogaaminaya ergadda Maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Aadan Madoobe halka ergada dawladda dalka Soomaliya uu horkacayo Faarax Cabdiqaadir, waxaana la aaminsanyahay in shirkani uu ku dhamaado rajo la aan..
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413