Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ileen Ninkii Aynu Wasiirka Moodaynay, Waa Masdilka Madaxtooyadda….Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Cali-Guray11(maantasomaliland):-Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa qawaday qaabka hogaamineed ee Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa uu carabka ku dhuftay in aanu ahayn siyaasi, Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga, Waxaanu ku yidhi qoraalkaasi

Masdil Rugta Kama Tago
Kolka aroortii reer

miyigu xoolaha ragga reerka nin ba hawl buu ku toosaa. Nin geela raaca, nin sahan taga, nin gudin iyo hangool qaata oo wax oodaya iyo nin geedka taga garta lagu hayo adigu nin ba wax uun buu ku qaybaa. Waxa jira nin aan isagu rugta dhaafin oo qolqolada iyo intan hadh qoodaalada uu meeratsta oo kolba midi ay fur ciir ah ugu geyso.

Ninkaa waxa la yidhaa mas dil oo waxtar maaha lakiin maalin qudha ayaa loo baahdaa.

Dumarka oo meel halkana kebed ku samaynaya oo isugu wada yimi oo aanay kaba qasnayne kebedooda u heesanaya oo leh” NAAGTA KEBEDA LEHEEY KAALIN DARANEY ADAAN KAYD USII DHIGANEY”, ayuun baa meel agtooda ah bahal mas ihi shamax ka yidhaa wac markay indhaha ku siiyaan ayay qaaylo ku dhuftaan ” ALLA WAA MAS, ALLA HEBELOW WAA MAS, ALLA SOO CARAR” dumarkii uugansan oo ” WAA KAA, WAA KA MUSKA GALAY”, leh ayuu isagoo hangool la ordaya dhinac na yar dhanqaloonaya daf soo yidhaahdaa, ” MEE, MEE,”, ninkii mas dil ayay hadhkii maskii is qabsadaan ilaa casarkay isku gaadhaan siduu hadba mus iyo miscirir uga gelayo isna uga saarayo,ayuu goor dambe dilaa.

Dabeed intu hangoolka gantadiisa sudho bahalkii oo bakhtiyay ayuu dumarka iyo cruurta ku cansiiya ka dibna geed halkan duleedka ah ayuu ku laalaa si aanu dib ugu soo noolaan.
Habeenkaa marka la soo wada hoydo war kale xiiso ma leh waa mas dil iyo jihaadkii maanta.

Nin walba afadiisu waxay kala hor tagtaa” maanta sadaqaa nagu baxday, hadaan ilaahay hebel noo bixin mas baan waxba naga reebeen. Hadaad ogtahay intuu le?egaa bal marka waagu beryo eeg waa ka meygaagaa dushiisa ku laalaye”.

Imika shaw ninkii ayno wasiirka moodayne wuxu ahaa masdilka madaxtooyada!

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com