Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir ku saabsanaa Xorriyadda Saxaafadda oo muddo laba cisho ah uga socday Hotelka Ambassador Suxufiyiinta iyo Ururada Bulshada ayaa shalay la soo gabagabeeyay kadib markii Dood iyo falanqayn dheer laga yeeshay Fursadaha Iyo Caqabadaha Haysta Saxaafadda Iyo Suxufiyiinta Somaliland.

latest-news(maantasomaliland):-Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Soradi oo ahaa shir sanadeedkeedii afraad, waxaana soo xidhay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri X Ismaaciil Baandare oo ka qayb qaadatay gunaanadkii Shirkaasi.

Mudadii labada cisho ahayd ee shirku socday waxay Suxufiyiintu si niyada samaan ah ugu soo bandhigeen Caqbadaha hor taagan saxaafadda Somaliland taasoo ay farta ku fiiqeen in ay qayb ka yihiin Suxufiyiinta, Xukuumadda iyo Bulshada qaybo ka mid ah, waxaanay ku soo bandhigeen talaabooyinka ay kaga gudbi karto.

Qaar ka mid ah Qurba jooga Suxufiyiinta ah eek u sugan dibeda ayaa iyana si toos ah uga qayb qaadanayay dooda shirkaasi iyagoo u adeegsanayay Isgaadhsiinta Casriga ah, waxaanay labada dhinac isweydaarsadeen su’aalo khuseeyay Horumarka iyo Dibu-dhaca Saxaafadda iyo dhibaatooyina aya Xukuumaddu ku hayso.

Maxamed Cismaan Fadal oo ah Guddoomiyaha Soradi, C/laahi Geel jire, Suldaan Axmed Daahir Muuse iyo saraakiil ka socday qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada ayaa kaalin mug leh ka qaatay Doodihii lagu soo bandhigayay shirkaas eek u saabsanaa doorka saxaafadda Somaliland.

Hormoodada Kulliyadaha Sharciga iyo Xalinta Khilaafaadka Jaamacadda hargeysa ayaa iyagun ka soo jeediyay warbixino ku saabsan saxaafadda iyo Aqoonteeda, waxaanay xuseen in loo baahan yahay in la sameeyo Kuliyad buuxisa baahida loo qabo in kor loo qaado mihnada Saxaafdda.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com