Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa, Feb, 11, 2011-(maantasomaliland) Madaxtooyadda Somaliland, ayaa xisbiyadda Mucaaridka ah ku eedaysay inay ku kaceen xaalado ay kaga been sheegeen ujeedada beesha caalamku ka lahayd shir Somaliland lagu martiqaaday oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Hargeysa, Feb, 11, 2011-(maantasomaliland) Madaxtooyadda Somaliland, ayaa xisbiyadda Mucaaridka ah ku eedaysay inay ku kaceen xaalado ay kaga been sheegeen ujeedada beesha caalamku ka lahayd shir Somaliland lagu martiqaaday oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda, ayaa lagu dedaafeeyay cambaarayn xoog leh oo xukuumadda kaga timi ka qaybgalka shir lagaga hadlayay arrimaha Somalia oo ay xisbiyada mucaaridku ku dureen, waxaanay madaxtoyaddu beenisay inuu shirkaasi ahaa mid laysugu keenay kooxaha Somalia, balse ahayd fursad qaaliya oo Somaliland u heshay inay qadiyadeeda ku soo bandhigto.

“Xisbiyada mucaaaraadka ah loogama fidhiyin inay abuuraan xaalado aan jirin oo bulshada lagu majaro habaabinayo, laguna wiiqayo midnimadooda isla markaana lagaga been sheegayo ujeedada ay beesha caalamku ka lahayd qabashada shirkaas..” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtootadda.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Baahida ugu wayn ee uu maanta dalkeenu u ooman yahay waa aqoonsi uu ka helo caalamka Ummada Reer Somalilandna waxay xukuumadooda u igmadeen inay Beesha caalamka ka raadiso Ictiraafka kuna soo bandhigto qadiyadeena fagarayaasha caalamku isugu imanayo.

Todobaadkii ina dhaafay waxaa lagu qabtay magaalada landon ee cariga ingiriiska shir ay kasoo qayb-galeen dawladaha ee daneeya arinta Somaliya Sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Swedan, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ururka Midowga Afrika iyo Hay’addo kale duwan. Iyo wadamada mandaqadda aynu ku nool nahay ee ay arimaha somaliya ka socdaa ku leedahay saamaynta tooska sida Itopiya,Somaliland,Kenya iyo Uganda.

Shirkaasi ma ahayn mid la isugu keenay kooxaha Somaliya laguna heshiisiinayo ama dawlad loogu dhisayo sida shirarkii Adis Ababa Carta , Imbagati ,Ildooreed, iyo kii u dambeeyay ee Jabuuti , shirkaasi Somaliland waxa loogu marti qaaday si madaxbanaan oo la mid ah sida ay uga soo qaybgaleen Dawladaha kale ee Daneeya arimaha ka socda mandaqan Geeska Afrika.

Tallaabadani waxa ay ahayd Fursad qaali ah oo aynu helay si aynu ugu soo bandhigno qadiyadeena,waxa aynu qabsanay , iyo culayska iyo saamaynta ay inagu hayso qalalasaha ka taagan Somaliya oo aynu gacan qabasho uga baahanay beesha caalamka sidii aynu isaga moosi lahayn dhibaatadooda ,xalna loogu heli lahaa mushkiladooda.

Wasiirka Arimaha dibada Dr Maxamad Cabdilahi oo shirkaa ka qayb galayna wuxuu gudanayay waajibkiisii shaqo ee uu u xilsaaraa waaanan ku bogaadinayaa.

Xisbiyada mucaaaraadka ah loogama fidhiyin inay abuuraan xaalado aan jirin oo bulshada lagu majaro habaabinayo, laguna wiiqayo midnimadooda isla markaana lagaga been sheegayo ujeedada ay beesha caalamku ka lahayd qabashada shirkaas .

Xilligan oo Deegaano dalkeena ka mid ah ay ka taagan tahay colaad ay ka huriyeen kooxo nabadiid ah oo cadaw ku ah jiritaanka Somaliland iyo nabad ku wada noolanshaha shacabka reer Somalianad, ummaduna ay meel uga soo wada jeedo shaqaaqadaas iyo gurmadka abaarta baahsan ee dalka ka jirta. Arimahaas oo ubaahan in lagaga baxo midnimo iyo wadajir.

Xukuumadaydu waxa ay aaminsan tahay kuna hogaamisaa dalka dhaqankii aynu ku soo caano maalay ee ahaa wada tashiga sidii aanu shalayba ugu yeedhanay madaxda xisbiyada , madax dhaqameedka iyo wax garadka bulshada , mana jirto wufuud caalamka ka timi oo codsatay una socotay inay la kulllanto xisbiyda mucaaraadka oo la iska hortaagay

Ugu dambayn aniga oo ku aamanaya shacabka Somaliland dareenka wanaagsan iyo midnimada ay ku garab taagan yihiin qaranimada iyo dawladnnimadeena waxaan ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax kasta oo wadajirkiina wiiqaya.

Midna waa iga xasuusin Xukuumada Somaliland sinaba ugama qayb galayso shirarka lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland ninka ku eedeeyaana waa nin isyeelyeelaya dafirsan taariikhda waxaanse ku kalsoonahay inuu shacbigaygu ogyahay .Xisbiyada qaranka iyo madaxdoodana waxaan u soo jeedinayaa inay bisayl siyaasadeed u yeeeshaan ka midho dhalinta qadiyada Somlalianad iyo sida uu dalkeenu uga heli lahaa aqoonsi buuxa beesha caalamka.”

xuseen xarbi
hargeiysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com