Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababar Midhihiisii laga Dareemay Xaafado ku yaala Magaaladda Boorame

TABABRKII-YPEER-Boorama-2(maantasomaliland):-Waxa si wayn looga dareemayaa goobaha isku raranta ah ee loo yaqaan IDP ee ku yaala xaafadaha Sh. Cali Jawhar Iyo Sh. Cismaan ee magaalada Boorama saamaynta iyo raadka uu ku reebay tababar lagu baranayay Maamulka Ganacsiyda Yaryar, oo 30 qof uu rag iyo dumarba leh oo ka socday goobaha isku raranta ah ee labadan xaafadood, loogu qabatay intii u dhaxaysay 18-22 bishan August, 2013, xafiiska Ururka SAYS ee magaalada Boorama.

Shabakada oo si gaar ah u booqatay goobahaas ayaa waxa ay la kulantay Xaafada Sh. Cali Jawhar haween ka mid ah kuwii ka faaiidaystay tababarkan oo kulan balaadhan u qabatay dad kale oo haween u badan oo xaafada kula nool, haweenkan ayaa waqtigaas waxa ay u shaqaynayeen kooxo-kooxo, waxana ay wax iska waydiinayeen arimo la xidhiidha ganacsi abuurka

“Waxa aan u sheegay haweenkan in maskaxda ay maalaan oo ay keenaan fikiro ganacsi abuur ah, waxa aan rabnaa inaan kala doorano fikiradaas, sababtuna waxa ay tahay waxa aan ognahay in fikirka halqof ku jiraa uu ka badan yahay midka ku jira dadwaynaha, sidaasi aawadeed, waxa aan maanta rabnaa inaan fikir shaqo abuur ah helno, waxa aan ku xijin doonaa habkii loo abuurayay, meeshii aan ka keenaynay kharashka iyo sidii aan u furi lahayn ganacsi, waxan oo dhana waa waxii aan maalmihii ina dhaafay ka baranay tababarkii ay hayad ay noo qabatay (YPEER), raga lafahaantoodu dhankooda ayay ka tijaabiyaan casharadii aan baranay” ayay tidhi haweenaydan oo magaceeda ku sheegatay Faadumo, kuna baraarugsanayd ahmiyada uu lahaa tababarkaasi.

Tababrkan Mudada 5ta maalmood ah u socday 30 kaasi qof ee ka socday qaybaha kala duwan ee IDP ku yaala labadan xaafadood, waxa uu daaranaa Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiyada Yaryar, waxana fulintiisa waday YPEER oo fadhigiisu yahay Hargaisa, isla markaana waxa maalgalinta iska lahaa hayada IOM iyo dawlada JAPAN.

Mudadaasi 5ta maalmood ah ayaa waxa 30ka qof ee ka qayb galayaasha ah, casharo ku aadan Ganacsiga halkaasi ku siiyay Aqoonyahan Siciid Maxamed Daahir oo ku takhasusay Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga, waxana furitaankiisiiba soo dhaweeyay Madaxda Gobolka iyo kuwa Degmada Boorama.

Xoghaya D/Hoose ee Boorama Md. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa waxay xuseen furitaankii tababarkan, ahmiyada koowaad ee uu ku soo kordhinayo bulshada ay tahay dhinaca shaqo abuurka iyo kobcinta ganacsiyada yaryar ee hada jira, talaabadan ayaana waxay ku tilmaameen mid fursad u siinaysa dadka dalka gudihiisa ku barakacsan ee loo yaqaan IDP ee ku nool labadan xaafadoon inay ku hamiyaan dib-u-dag, isla markaana noqdaan qaybo muhiim ah oo iskood u maamusha ganacsigooda, waxana ay ku dardaareen ka qayb galayaasha inay ka faa’iidaytaan tababarkaasi.

Mudadii uu socday tababarkan ayaa waxa ay ka qayb galayaashu ku barteen casharo la xidhiidha dhinacyada maamulka iyo maaraynta ganacsiga, sida loo abuuro ganacsiga, sida loo maareeyo daynta, soo dhawaynta iyo la macaamilka dadka macaamiisha ah, hababka kala duwan ee suuq gaynta, ku shaqaynta hab xisaabaad hufan oo la fahmi karo iyo xisaabta. Mudadaas ay tababarka qaadanayeen dadkan ka qayb qaatayaasha ahi waxa ay u shaqaynayeen si kooxo kooxo ah, waxana ay ku barteen halkaasi sida fikir maskaxeedka loogu badalo qorshe meel mar ah, taasi oo wax wayn ka taraysa sidii ay mustaqbalka u hindisi lahaayeen fikiro ganacsi oo ay iyagu leeyihiin.

Xidhitaankii tababrkan oo ay ka soo qayb galeen xilsidayaasha kala duwan ee hogaamiya gudiyada labadaasi xaafadood, ayaa waxa ay halkaasi uga mahad naqeen YPEER, hayada IOM iyo Dawlada JAPAN, oo ay xuseen inay siiyeen xafadahooda fusado muhiim ah oo maskaxda dadka iyo maaraynta ganacsigaba kobcinaya. Sidoo kale waxa ay balan qaadeen inay sii dhiiri galin doonaan dadka ka qayb qaatay tababarkan, kuna baraarujin doonaan inay ka faa’iidaystaan fursadan.

Aqoonyahan Siciid Maxamed Daahir oo isagu ahaa macalinkii tababarkan oo xidhitaankii tababarkan la dardaarmayay ka qayb qaatayaasha ayaa waxa uu ku yidhi “Maanta waxa aad barateen casharo wax ku ool ah oo si wayn u anfacaya maaraynta iyo maamulka ganacsiyo aad idinku abuurataan isla markaana ku shaqaysataan, waxa xusid mudan in waxii aan baranay uu yahay wax aad maskaxda ku ururiseen, waxana idin saaran waajibaadka ah inaad maskaxda kala soo dagtaan oo aad humaagyada ka guuxaya maankiina u badashaan qorshalaal aad ganacsi ku abuuraysaan, talaabadan dambe waxa ay idiin suura gali kartaa oo kaliya hadii aad noqotaan kuwo ku dhiiran inay wax soo kordhin karaan, idinka oo qaybaha kala duwan ee qoyskiina, saaxiibadiin iyo bulshada aad la nooshihiin wax ka waydiisaan sidii aad fikiro ganacsi u keeni lahaydeen, una hiigsataan yoolka ah inaad ganacsiyo aad u madax banaan tihiin abuurataan.

Waxa aan ku kalsoonahay inaad ka midho dhalin doontaan waxii aan idin baray, waxa aan aniga laf ahaantaydu mudadii aan idinla joogay idinka bartay casharo iyo waayo aragnimo wayn oo wax ii taraysa, waxana aan labada dhinacba filayaa inaan ka soo baxno waajibka na saaran.

Tababarkan ayaa waxa uu ka mid ahaa tababarada saamaynta wayn ku yeeshay ka qayb qaatayaasha, waxana uu salka ku hayay dhiirigalinta dhinaca ganacsiga. “Haa waan hubaa inaan maalin maalmaha ka mid ah abuuran doono ganacsi ii gaar ah, si wanaagsan u maarayn doono, soo jiidan doono macaamiil badan, xisaabta iyo dayntana si fiican oo waafaqsan ganacsiga u maamuli doono” ayay tidhi Faadumo oo mustaqbalka rajo fiican ka muujinaysa.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com