Xisbiga Waddani Laantiisa UK waxay ugu baaqayaan waxgaradka gacanta ku haya xal u helida xurguftan labada beelood inay ka shaqeeyaan sidii ay xal caadil u kala dhex dhigi lahaayeen beelahan.
(maantasomaliland):-wadeenada Xisbiga Waddani Laantiisa UK, Xubnaha Xisbiga ee Laanta UK iyo Dhamaanba Taageerayaasha Xisbiga Waddani Laantiisa UK iyagoo aad uga tiiraanyaysan waxay baaq nabadeed u dirayaan Beelaha Walaalaha ah ee wada-dhalashada, deegaanka iyo daaquba ka dhaxeeyo ee xurguftu ku dhex martay deegaanka God Heeli. Laanta UK waxay si la mid ah baaqii uu hore ugu diray Beelahan Gudoomiyaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi “Ciro”, ugu baaqayaan in la joojiyo colaada iyo wax kasta oo isku dhac keeni kara, intii hore nasiib-darada iyo qadarta Eebe ugu dhacdayna laga wada-hadlo, lagana toobad keeno, si is-af-garad ku jirana lagu dhameeyo arintan.
Laanta UK ee Xisbiga Waddani waxay tacsi u diraysaa dadkii ku geeriyooday xurguftan kuwii ku dhaawacmayna Caafimaad buuxa ayaan Illahay uga baryaynaa. Tacsi taas la mid ah ayaanu sidoo kale u diraynaa Marxuum Suldaan Xasan Warsame Shire ” Barre”, oo geeriyooday isagoo ku sii jeeda siduu labadan beelood heshiis u kala dhex dhigi lahaa; Illahay khayrka iyo xasanaadka uu u socday awgood ha ugu dembi dhaafo.
Ugu dambayn Xisbiga Waddani Laantiisa UK waxay ugu baaqayaan waxgaradka gacanta ku haya xal u helida xurguftan labada beelood inay ka shaqeeyaan sidii ay xal caadil u kala dhex dhigi lahaayeen beelahan. Illahayna waxaanu uga baryaynaa inuu hawshan u fududeeyo.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413