Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Gudaha dr gaboose Somaliland Oo maanta shaaca ka qaaday In Xukuumadu Waddo Qorshe Cusub Oo Wax Lagaga Qabanayo Amniga Dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dr gaboose Somaliland Oo maanta shaaca ka qaaday In Xukuumadu Waddo Qorshe Cusub Oo Wax Lagaga Qabanayo Amniga Dalka.

Hargeysa(maantasomaliland) Feb.12, 2011 – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta sheegay in xukumadu diyaarisay qorshe cusub oo wax lagaga qabanayo amniga guud ee wadanka, isaga oo ballanqaaday in si deg-dega ah loo fulin doono qorshahaas.

Wasiirka oo maanta hortagay gudida hoosaadka difaaca iyo arrimaha gudaha ee golaha wakiilada si uu warbixin uga siiyo golaha xaalada amniga guud ee wadanka, waxaana uu sheegay in xaalada amaanka ay aad u wanaagsan tahay wakhtigan iskastoo ay falal amni daro ah oo saamayn ku yeeshay dalka ay dhaceen muddadii xukuumada Siilaanyo xilka haysay.

Waxa uu sheegay Wasiirku in la dhisi doono oo kor loo qaadi doono tayada ciidanka booliska si ay noqdaan ciidan shaqadiisa u guta si wanaagsan, waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaya arrintaas ”waxa aanu samaynaynaa xarun weyn oo ciidanka boolisku ka hawlgalo, ciidanku malaha wax dirays ah oo lama kala garanayo iyaga iyo tuugta wakhtigii hore waxa la bari jiray ilaalinta xaquuqda aadamaha, laakiin hada waxaan ka gudubnay xalligii bini-aadaminimada oo waxa aynu gaadhay wakhtigii horumarka, ciidanku malaha darajooyin darajadu maaha calaamad garabka la sudho ee xurmadii qaranka“.

Waxa kale oo uu sheegay in xukumadu ay laashay xukunkii deg-dega ahaa, kaasoo qayb ka ahaa ballanqaadayadii uu Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay ummda markii uu la wareegay talada dalka, ”waxa aad ogtihiin in Madaxweynuhu laalay xukunku deg-dega ahaa iyo xeerkiisba oo la siidaayey cid kasta oo ay xidheen ee aan galin dambi cad, sababtaas qudha ayay ahayd wixii loo joojiyay gudidaas, dalkani waxa uu leeyahay nidaam garsoor oo sharci ah shaqsi ka baxsani ma jiro sharciga dhammaan waxa loo siman yahay sharciga, hadduu tuug yahay, haddu wasiir yahay iyo haddu xildhibaan yahay waxa la wada hortagayaa sharciga, gudidaas waxa ay ka baxsanayeen xeerka garsoorka dalka, waxa lagu dhaqmayaa sharciga aad samaynsaan golihii sharci dejinta”.

Waxa uu ugu dambayn wasiirka halkaas su’aalo darandooriya ku waydiiyay oo la xidhiidha amaanka wadanka mudanayaasha golaha wakiilada isaga oo wasiirka ka jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com