Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Ciidanka Qaranka ku Wareejiyay Askari ay Qabteen Kooxda Nabad Diidka ahi

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Ciidanka Qaranka ku Wareejiyay Askari ay Qabteen Kooxda Nabad Diidka ahi

Qori-Lugud(maantasomaliland )-Ciidamo Itoobiyaan ah oo fadhigoodu yahay xadka magaalada Buuhoodle, ayaa shalay ciidanka Qaranka ku soo wareejiyay askari ka tirsan ciidanka qaranka oo magaciisa la yidhaahdo Kayse Xasan Aadan Bulaale, oo Axaddii toddobaadkii hore, ay kooxda nabad diidka ah ee qalalaasaha ka wada deegaankaasi, ay ku qabteen dagaalkii dhex maray ciidanka qaranka. Askarigaasi oo kooxdii qabatay, ay ku wareejiyeen odayaasha deegaankooda, kuwaasi oo iyaguna u sii gudbiyay ciidamada Itoobiyaanka ah, ee degan duleedka Buuhoodle.
Ciidamada Itoobiyaanka, ayaa askarigan shalay ku wareejiyay ciidanka qaranka, ka dib markii ay keeneen Tuulada Coodanle, ee degmada Qorilugud, halkaasi oo ay askarigaasi ku qaabileen saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka. Guddoomiyaha Degmada Qorilugud Maxamed Cumar Faarax, oo khadka telifoonka ugu waramayay Somaliland.Org, ayaa sheegay in askarigaasi xalay soo gaadhay ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay degmada Qorilugud ee Gobolka Togdheer. Geesta kalena, wararka ka imanaya degaankaasi, ayaa sheegaya in kooxda nabad diidka ahi, ay khaarajiyeen askari kale oo ay qabteen isla maalintii Axaddi la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com