Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Harigeisa(Maanta-Somaliland)Ururka Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalad colaadeed ee ka

Uruurka Mujaahidiinta SNM oo ka Hadlay Colaada Degaanka Kalshaale

Source fromTogdheernews.com

Saturday, 12 February 2011

Harigeisa(Maanta-Somaliland)Ururka Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalad colaadeed ee ka

jirta Deegaanka Kalshaale iyo shirka uu wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalialnd Dr Maxamed C/laahi Cumar uu kaga qayb galay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Ururka Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal oo shirjaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay talaabadaasi uu qaaday Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ay tahay mid wax wayn ka taraysa Ictiraafka ay Somaliland ka Hesho beesha Caalamka iyagoo sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu yahay nin Mujaahid ah oo muddo badan dalkani Somaliland u soo dagaalamay sidii dib ugu soo celin lahaa Xoriyadiisa isla markaana aanay wakhtigan xaadirka ah ka suurtoobayn inuu dib ugu noqdo wixii uu ka soo dagaalamay, waxaana ay xuseen inay muhiim tahay in Somaliland ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuulayso sidii ay beesha Caalamka uga kasban lahayd Ictiraafka ay baadi goobaysay 20-sanadood ee ay jirtay, waxaanay uga digeen Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalka in ka waantoobaan talaabadaasi dhaleecaynta oo ku tilmaameen mid aan wakhtigan loo baahnayn.5r

Sidoo kale Mujaahidiinta Sooyaal waxa kale oo ay ka hadleen xaalada colaadeed ee ka jirta deegaanka Kalshaale iyagoo sheegay nabadgalyadu qaali tahay isla markaana ay muhiim tahay in umada Somaliland ay ku naaloodaan nabadgalyo iyo wax wada qabsi, loona baahan yahay in dhibaatada ka taagan Kalshaale ay nabadgalyo lagu soo dabaalo, waxaanay xuseen in mujaahidiinta SNM aanay marnaba ogolayn cid Somaliland kaga soo duula dibeda balse wixii gudaha dalka ay nabadgalyadeeda ka shaqayn doonaan, isla markaana ugu baaqay Beelaha Walaalaha ah ee ka dirirtu ugu dhaxayso deegaanka Kalshaale ay nabadgalyada ka shaqeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com