Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Marxuum Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargaysa Iyo Madaxwaynaha Oo Ka Qayb Galay

Hargeysa (maantasomaliland)- Alle ha u naxariiste waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo ka mid ahaa halgamayaashii xoriyada Somaliland, iyada oo aaskiisa ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shir-gudoonka golayaasha qaranka, madaxda axsaabta qaranka, xildhbaano ka tirsan labada gole masuuliyiinta xukumada, hogaamiye dhaqameedyo iyo kumanaan dadweyne ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay munaasabada aaska, ayaa ka waramay aqoontii uu u lahaa marxuumka, waxaana uu sheegay in uu ka mida ahaa halyayadii xoriyada Somaliland bud-dhiga u ahaa, isaga marxuumku door aan la ilaabi Karin ku lahaa ka qaybgalayka halgankii ururkii SNM, waxaana uu yidhi Madaxweynuhu”waxa uu ahaa nin aanu halgan dheer soo wada galnay oo aan naqaanay muddo badan oo aanu saaxiib ahayn, oo aanu hawl badan soo wada galnay waxa uu ahaa ragii wax ka abaabulay dhalashadii SNM, waxa uu ahaa nin aqoon dheer u leh dalka oo ay ku dheehan tahay wadanimo badani, waxa uu lahaa aqoonta cilmiga dhaqaale iyo wadaniyada, waxa aan tacsi u diriyaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay”.

Shir-gudoonku golayaasha qaranka, madaxda axsaabta, xildhibaanada labad gole, wasiiro ka tirsan xukumada iyo qaar ka mida halgamaayshii SNM, ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo u ka baxay alle ha u naxariiste Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar.

Ibraahim Maygaag Samatar waxa uu jagooyin sare ka soo qabtay dawladii kacaanka ee General Maxamed Siyaad Bare, waxa kale oo uu noqday guddoomiye golaha dhexe ee ururkii SNM, iyada wakhtigaas ka dibna loo doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha wakiilada Somaliland sannadkii 1991-kii xillikaas oo uu hayay ilaa 1993kii.

Xuseen Cabdi Muxumed (Xarbi)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com