Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Furay Shirweyne Lagu Lafo-gurayo Dib U Habaynta Booliska‏

Hargeysa(maantasomaliland)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta shirweynihii labaad ee dib u habaynta Booliska Somaliland ka furay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. shirkan waxa lagu darsayaa siyaasada iyo qorsheyaasha Ciidanka boolisku ku shaqayn doono sanadaha fooda inagu soo haya.

Shirweynahan waxa kale oo ka qeyb galay wakiilo ka socda Haya’daha caalamiga ah ee Booliska la shaqeeya, saraakiisha ciidamada qaranka iyo waxgaradka bulshada oo lagu soo marti qaaday si ay afkaartooda ugu darsadaan siyaasada Boolisku ku shaqeynayaan, waxa kale oo shirweynahan lagu lafo guri doonaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Ciidanka Booliska iyo Dadweynaha Somaliland ee ay u adeegayaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in xukuumaddu ay awooda saarayso sidii ay u sii xoojin lahayd tayada ciidamada Booliska ay uga soo dhalaalaan waajibaadka xasaasiga ah ee ay qaranka u hayaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in sanad kasta Boolisku shaqaalaysiiyo 40 Jaamici iyo ardayda ka soo baxda dugsiyada sare ee dalka si ay Boolisku u noqdaan dad aqoon leh, waxaanu tilmaamay in tababarada Boolisku meel fiican marayaan waxaanu ku ammaanay Haya’daha kala shaqeeya dhinaca nabadgelyada.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay inuu rajaynayo inay ka soo bixi doonaan shirkan barnaamij cad oo Booliska iyo shacbigu ku wada shaqeeyaan.

Sidoo kale, waxa furitaankii shirkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, oo ka waramay waxqabadkii Booliska, waxaanu sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonaan barnaamij lagu horumarinayo Ciidanka Booliska.

Xuseen Cabdi Muxumed Xarbi

Maantasomaliland/Hargeysa

Harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com