Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Maanta soo hor dhigay Golaha Wakiilada Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011

Hargeysa (maantasomaliland)Feb. 14, 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta u soo bandhigay ku talagalka odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011, taas oo ka badan miisaaniyadii sannadkii hore la ansixiyay.

Wasiirka oo maanta hortagay golaha wakiilada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka kharashaadka miisaaniyada dawlada, isaga oo ballanqaaday in ay kharashgaraynta ay ka dhex muuqan doonto kordhsiimada mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawalada, oo ay hore xukumadu ugu kordhisay mushaharka, waxaana uu wasiirku sheegay in miisaaniyadu ay ka badan tahay ilaa toddobo boqol oo bilyan oo shilinka SL ah, isla markaasna ay bixiyeen dhammaanba daymihii ay ka dhaxleen maamulkii hore dadaalna ay ugu jiraan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka.

Waxa uu wasiirku sheegay  in xooga saareen cashuur ururinta oo ay ku guulaysteen in ay soo xareeyaan dhaqli badan muddadii ay  xilka hayeen, waxaana uu ugu baaqay Md Xaashi shacabka in ay bixiyaan lacagta cashuurta ku waajibtay si looga gudbo duruufaha ay sababtay dhaqaale xumadu, waxaan uu yidhi wasiirku isaga oo ka waramaya xaalada dhaqaale ee wadanka’’ waxa aanu dhaxalnay xalaalda dhaqaale xumo oo aanu ka dhaxalnay dawladii naga horaysay waxa ay ahayd mid adag, waxa aanu meesha uga tagnay lacag la yidhi waa dayn, laakiin aan dayn ee ahaa mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan la bixin afar bilood April ilaa  Ausgust kuwii ciidamada  oo aan la bixin bishii july raashinkii ciidamada, cisbitaalada iyo jeelasha oo aan wax la siin waxyaabo sidaasa ayaa lagu magacaabay dayn, waa tii lama magcaabay guddi ka kooban hantidhawrka, guddida dhaqaalaha ee wakiilada iyo wasaaradayada dhawr nin oo ka socday kolkay ka soo bilaabeen baadhitaankooda 2002-dii ilaa 2010-kii waxa ay ogaadeen in aanay jirin wax khasaare ah ama ku baaqday dawlada muddadaas, waxa dhacay uun wax isdaba marin waxa  soo saareen in ay jirtay 150 bilyan oo dheeraad ah, waxaan aanu bilownay sidii aanu u bixin lahayn mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada oo raashin dheer yahay dhibaatadii aanu la kulan ugu horayn taasaa ahayd, muddo saddex bilooda ah waxaanu iska bixinay mushaharadii, waxa aanu kordhinay dhaqligii 32%, dabadeed waxa aanu ku dhaqaaqnay sidii aanu samayn lahayn dhaqli ururis dhab ah.”

Mar uu wasiirku ka hadlay korodhka miisaaniyada sannadkan, waxa uu sheegay in ay miisaaniyadii hore dheer tahay 70%, taas oo ay keentay dadaal  xoog leh oo ay wasaadu u gashay sidii loo ururin lahaa dhaqli fara badan, waxa uu yidhi” waxaanu kordhinay miisaaniyada sannadkan 70% kolkaa waxaad arkaysaa muddadaa waxa aanu ku kordhinay oo anaan waliba sidii guda galin nidaamkeedii oo aanu iminkuun bilaabayno,waxaad  garan kartaan in aynu wax badan kordhin karno, waxaan bilow  in aan diwaan galino meherada oo dhan hadaan tusaale idiin siiyo Hargeysa oo kale waa shan xaafadood ama shan waaxood ayay Magaalada u qayb san tahay, waxa ay noqdeen laba labaatan xaafadood ayay u sii qaybsan yihiin xaafad walba waxa aanu ka furnay xasfiis, xafiiskaas waxa uu ka shaqaynayaa tirakoobka soo ururinta dhaqliga xafaadaas, waxa noo suurta gashay in aanu diwaan galino meheraha Hargeysa ama gobolka Maroodijeex, waxa kale  oo aan hawshaas ka bilownay Magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, Boorama, Gabilay iyo Wajaale in aanu diwaagalino meheradaha Magaalooyinkaas ururiska lacagahaas waxaanu galinaynaa Server, si aanu ogaano halka ay cashuurtu ku baaqatay iyo halka ay ku dhimantay, cid kasta ha ahaado ganacsade ama shaqaale dawladeed cashuurta waa lagu leeyahay, waxa aanu hoose u dhignay tacriifadii si ay yaraato tuugado, waxa aanu filaynaa dhaqligii lix bilood ee hore in  uu kabato, waxa la leeyahay waxaan kordhinay wali waxa inoo dihin wasaarada dhawr  iyo tijaartii, wasaarada qaarkood  kharashkooda ayaa ka badan wax soo saarkooda.“

Waxa  kale oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada Warsame Siciid, oo faahfaahin ka bixiyay  odoroska miisaaniyada, waxaana uu sheegay in miisaanyadan ay tahay kor u kac dhaqaale marka loo eego wakhtigii hore, iyada oo miisaaniyadan ay ku jiraan lacagta loo kordhiyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida iyo, isla markaasn la suura galiyay in ilma kasta oo Somaliland ku nooli  heli karo wax barasho bilaasha ah, ka dib markii lacagta laga dhaafay dhammaan dugsiyada hoos/dhexe ee wadanka, iyada oo kharasha shaqaalaha dugsiyada ay bixin doonto xukumadu
xuseen xarbi
maantasomalilan
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com