Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Loo Qaybiyay Xeerka Hay’ada Abaabulka Qaranka.
Hargeys (maantasomaliland) Feb. 14, 2011- Mudanyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta loo qaybiyay xeerka hay’ada abaabul ka saarka iyo jihaynta qaranka ee NDC, oo ay hore u ansixiyeen golaha wakiiladu loona soo gudbiyeen golaha guurtida.
Fadhigan oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaas Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa loogu qaybiyay xildhibaanada si ay u soo naaqishaan xeerkan, isla markaasna ay u ansixiyaan xeerkan, maadaama oo ay hay’adan muhiim u tahay qaranka.
Xeerkan loo gudbiyay golaha guurtida ayaa ka kooban sided qodob, waxaana la filayaa in goluhu ansixiyo maalmaaha inagu soo fool leh.
xuseenxarbi