Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkii Arrimaha Soomaaliya Lagaga Hadlayey oo la Sheegay Inuu Kor u Qaaday Meeqaamka Somaliland ku Leedahay Dunida

London-(maantasomaliland)- Shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee toddobaadkan lagu qabtay dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu sare u qaaday meeqaamka siyaasadeed ee Somaliland ku leedahay beesha caalamka, maadaama tahay markii ugu horreysay ee Somaliland si toos ah loogu casuumo shir heer caalami ah oo ay ka hor caddaysay nabadda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ku tallaabsatay.
Sida suxufi ku sugan magaalada London ay u xaqiijiyeen diblomaasiyiin shirkaas ka qaybgalay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ee ka qaybgalay kulanka ka dhacay Ingiriisku waxa uu ahaa guul weyn oo u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Somaliland beesha caalamka la wadaagtay qaabka xal waara looga dhalin karo dhibaatada ka aloosan waddanka Soomaaliya.
Shirka ka dhacay Ingiriiska oo ay ka qaybgaleen waddamada safka hore ee daneeya arrimaha Soomaaliya oo ka kala socday Afrika iyo dunida kale, ururrada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka Islaamka, Somaliland iyo Soomaaliya (TFG&Puntland ), waxana lagaga wadahadlay mushkiladda Soomaaliya iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Sida uu xaqijiyey diblamaasi ka qaybgalay kulankaas oo wax laga weydiiyay bal faa’iidada ugu jirtay Somaliland ka qaybgalka shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee Ingiriiska ka dhacay, waxa uu ku jawaabay, “Shirkani Somaliland maqaamkeedii kor buu u qaaday, waan guul weyn oo u soo hoyotay, wasiirka arrimaha dibadad ee Somaliland oo halkaasi ka hadlay waxa ugu horeyntiiba caddeeyay in aanay mowqifkii iyo siyaasaddii Somaliland waxba iska beddelin, haseyeeshee shirka ku yimaaddeen casuumad uga timi xukuumadda Ingiriiska. Diblamaasiga oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso sababo xagga dhawrsanaanta la xidhiidha awgeed, waxa uu intaa ku daray in shirkani daah furey tamar la’aanta dowladda Sheekh Shariif oo xataa aan waxba ka odhan kari weyday qaddiyadda Somaliland, sidaa awgeed caalamku dhegaha u furey qaddiyadda Somaliland. Taasina buu yidhi waa ta sababtay in EEC-du ku dhawaaqdo inay si toos ah u taageerayaan Somaliland oo siyaasadoodii wax ka beddelyaaan.
Sidoo kale waxa shirkaasi ka soo baxday in Somaliland lagu ammaanu dedaalka ay ugu jirto la dagaalka budhcad badeedka oo ay noqotay dalka kaliya ee ilaa iminka 62 budhcad badeed ah qabtay, maxkamadnaa geeyay oo xabsiga u taxaabay. Sidaa daraadeed, waxa lagu daray in xubin ka noqoto golaha Ccalamiga ee ah ee la dagaalanka budhacd-badeeda iyo marinada badaha ee dunida.
Diblamaasigu waxa uu intaa ku daray in ka qaybgalka shirarka noocan oo kale ahi tahay tallaabo diblomaasiyadeed, iyadoo si taxadir leh loo dooranayo kuwa loo arko in ay Somaliland faa’iido ugu jirto, waxaannu tibaaxay in ay noqotay fursad Somaliland mowqifkeeda ku soo bandhigto, iyadoo wasiirka arrimaha dibadduna helay fursad uu kula hadlo wufuudii tirada badnayn ee shirka ka qaybgalaysay.
Dhanka kale, sida ilo xogogaal ah xaqiijiyeen, waxa ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriisku go’aan ku gaadhay in shir caalami ah u qabato shirkadaha ganacsiga ee Somaliland, bisha March ee sannadkan kaasi oo horseedi doona xidhiidh caalami ah oo dhexmara Somaliland iyo dunida inteeda kale.
maxamed cabdi
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com