Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Geeriyoodey‏

Hargeysa, Feb, 15, 2011- (maantasomaliland)- Alle ha u naxariistee waxa xallay ku geeriyoodey magaalada Hargeysa Marxuum  Axmed Cabdi Siciid, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland.

Marxuum Axmed Cabdi Siciid oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal kana soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxa uu xallay ku geeriyoodey Gurigiisa magaalada Hargeysa, ka dib markii wadnuhu istaagay wax yar ka dib markii uu gurigiisa soo galay.

Alle ka u naxariistee waxa Xildhibaanka maanta lagu aasay magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay aaskiisa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan  Shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), Xildhibaano iyo boqolaal dadweyne ah

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo qaranka uu ka baxay Marxuum Axmed Cabdi Siciid, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), ayaa isaguna ku sifeeyay Marxuumka geeriyoodey shakhsiyad wanadinimmo ku dheehnayd oo dad la dhaqan wanaagsan, waxaannu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka mid ahaa masuulliyiintii ka hadashay geerida Marxuumka, ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga UCID isla markaana uu ahaa Murashaxii Madaxweyne Ku Xigeenka ee doorashadii  Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii bishii April ee sanadkii 2003-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com