Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

wasiirka wasaarada Duulista Hawada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan Ay Dalka Iman Doonto Shirkad Dib U Dhis KU Samayn Doonta Madaarada Hargeysa Iyo Berbera.

Hargeysa (maantasomalilans) Feb. 15, 2011- Wasiirka wasaarada duulista hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta daboolka ka qaaday in dhawaan ay dalka iman doonto shirkad dib u dhis ku samayn doonta madaarada Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyada oo hawshaas ay ku bixi doonto lacag dhan 10 milyan oo Dollar.

Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay gagida diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in labada toddobaad ee inagu soo  fool leh ay wadanka iman doonto shirkada la yidhaahdo Kuwait Foundation oo fulin doona hawsha dhimaha labadan madaar, isaga oo sheegay in kharashka ku baxaya dhismaha ay bixin doono dawlada Kuwait oo Somaliland ka taageeraysa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha .

Waxa uu sheegay wasiirku in mashuuracan oo kaalin ka qaadan doona horumarka wadanka, oo u baahan in laga fuliyo hawalahan oo kale, waxaana uu dawlada Kuwait uga mahadceliyay kaalmada ay u fidasay Somaliland.

xuseen xarbi
maantasoomaliland.com
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com