Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Roobabkii ugu horreeyay ee ka curta Somaliland, ayaa ka da’ay magaalada Caasho-caddo ee Degmada Saylac oo ka tirsan Gobolka Salal.‏

Sida uu shebakadda maantasomaliland u xaqiijiyay Isu-duwaha Wasaaradda War-faafinta iyo Wacyigelinta ee Gobolka Salal Mr. Maxamed Cawaale waxa uu sheegay inay roobab xoog leh ka curteen gobolka Salal, gaar ahaan magaalada Caasho-caddo iyo deegaannada ku teedsan ee dhinaca xeebta xiga.

Ma jiraan wax khasaare ah oo laga soo sheegay roobabka ka curtay Gobolka Salal, haseyeeshee waxa uu roobkani ku soo beegmay xilli abaaro ba’an oo dad iyo duunyoba isugu jiraa ku habsadeen dhammaan gobollada Somaliland oo ay ka socdaan gurmadyo biyo-dhaamis ah oo ay iska kaashanayaan dawladda iyo qaar ka mid ah ganacsataa waaweyn ee dalka sida shirkadda DAHABSHIIL.

Sidoo kale, qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa dul hoganaya daruuro gelinka hore qariya cadceeda, oo dadku ka rajo-qabaan inuu roob da’o, balse weli lama sheegin meel uu roob ka da’ay mara laga reebo Magaalada Caasho-caddo
maxamed cawaale
gobalkasalal

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com