Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Telecom Oo Faahfaahin Ka Bixisay Adeegyada Ay Bulshada U Qabato

Shirkadda Telecom Oo Faahfaahin Ka Bixisay Adeegyada Ay Bulshada U Qabato

Maamulka shirkadda isgaadhsiinta Telecom ayaa sheegay in ay yihiin shirkaddii ugu horaysay ee dalka ka hirgelisay adeega ku shubashada lacagta ee Mobile-ka , isla markaana ay wadaan qorshayaal cusub oo ay dadwaynaha ugu soo kordhinayaan adeegyo cusub oo faa’iido u leh dhinacyada horumarka dhaqaalaha.

Sidaa waxaa sheegay CTO-ga shirkadda Telecom Mr. Xassan Rashiid Xuseen oo aanu ku waraysanay barnaamijka ganacsiga ee wargayska DAWAN, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S: Ugu horayn waxaad faahfaahin naga siisaa wakhtigii la asaasay shirkadda Telecom Somaliland iyo wakhtigaa baahiyihii loo qabay adeega isgaadhsiinta?

J: Shirkadda Telecom Somaliland waxaa la asaasay sannadkii 2003-kii, sannadkaas runtii adeegyada isgaadhsiintu way jireen oo shirkadaha qaarkood way jireen, laakiin markii shirkadda la asaasayay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dareensanayd in uu suuqa ka maqan yahay ee ay suuqa ku galaysay wuxuu ahaa adeega ku shubashada Mobile-ka. Shirkadaha Telesom iyo STC oo hadda layidhaahdo Nation iyo Soltelco waxay ku bilaabeen Mobile Bostibaydh ah, laakiin Telecom Somaliland waxay ahayd shirkaddii ugu horeysay ee keenta Mobile Biribaydh ah, markaa taasi waxay ahayd qorshaha ay ka duulaysay oo ahaa in ay adeegyadeeda ka haqab tirto dadwaynaha. Maantana waa la dareemi karaa halka ay marayaan adeegyadaasi.

S: Adeegyada aad bulshada u qabataan maxaa ka mid ah ?

J: Runtii adeegyadu aad ayay u badan yihiin, adeegyada aasaasiga ah waxa weeye Telefoonkii la dir sanayay, oo qofkii waxaanu u sahalnay haddii uu gurigiisa joogana uu layn ka hadli karo haddii kalena uu Mobile ka hadli karo, kuwaasi. Adeegyada dheeraadka ah ee aanu bixino waxaa ka mid ah Internet-kii, waxa kale oo ay shirkaddu wadaa oo hadda qorshaha ugu jira adeegyada Zaadka oo kale, waxa kale oo ay shirkaddu wadaa in ay casriyayso adeega GSM-ka oo internetkii laga isticmaali karo hadduu noqon lahaa 3G oo kale, oo hadda adeegyada aanu bixino waxaa ka mid ah GBRS-ka oo qofku Internetka ka isticmaali karo.

S: Waxaad nooga warantaa Qorshaha iyo himilooyinkiina mustaqbalka aad higsanaysaan maxaa ka mid ah?

J: Runtii iyada oo ujeedada shirkadda Telecom Somaliland loo asaasay ay tahay in ay bulshada ka haqab tirto adeegyadeeda, haddana mustaqbalka maadaama tiknoolajiyaddu is bedbedelayso in aanu la jaan qaadno ayaa qorshahayagu yahay, qorshaha way noogu jirtaa in aanu keeno tiknoolajiyad cusub.

S: Shirkadaha waawayn ee dalku waxay qayb wayn ka yihiin abuurista fursadaha shaqo iyo horumarka dhaqaalaha dalka, kaalintee ayaad odhan kartaa waad kaga jirtaan idinku?

J: Shirkadda Telecom Somaliland waa shirkad wayn oo xarumo ku leh ilaa Lowyacaddo ilaa iyo Ceerigaabo ilaa iyo Laascaanood, halkaa waxaad ka garan kartaa inta qof ee ka shaqaysa iyo inta qoys ku sii hoos nool . runtii shirkaddu qayb wayn ayay ka ciyaarayasaa kaalintaa, mustaqbalkana in aanu shaqaale badan qaadano ayaanu filaynaa. Waxaan xasuustaa dhawaan ilaa laba boqol oo qof oo aanu imtixaan ka qaadnay oo aanu kala dhex baxnay ilaa lixdan qof. Mar kasta oo shirkaddu sii ballaadhatana fursadaheeda shaqo way sii badanayaan. Runtii isgaadhsiintu waxay ka qayb qaadataa horumarka ganacsiga, markaa ganacsiga Somaliland ka socda waxa saldhig u ah isgaadhsiinta, sidoo kale ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka shirkaddu wax badan ayay u sahashay sida adeega GBRS-ka oo isaga oo ardaygu jaamacadda fadhiya uu Mobilkiisa internetka ka geli karo oo casharadiisa ka baadhan karo , iyada oo bishan aynu ku jirno uu adeegaasi bilaa lacag u yahay.

S: Ma jiraan wax caqabado ah oo idinka hor yimi wakhtigii aasaaska shirkadan iyo kuwo haddaba jiraa, haddii ay jiraanse maxaa ka mid ah ?

J: Shirkadda Telesom runtii caqabado badan oo ku dhacay way jiraan, tusaale ahaan waxaa dhacday sannadkii 2010-ka in maamulka shirkadda ay niman ajaanib ahi yimaadeen, kuwaasi oo fahmi waayay qaabkii shaqadii iyo qaabkii ay mushtamaca ula macaamili lahaayeen, taasi waxay noqotay caqabada ugu wayn ee shirkadda ku dhacay oo hoos u dhac wayna ku keenay. Markii la arkay dhibaatada ay shirkada ku keeneena waa laga wareejiyay nimankaa ajanabiga ah. Caqabadaha kalena waa wax laga gudbi karo oo laga soo kaban karo. Waxda kale oo caqabadki naga haysataa dhinaca laynka oo tusaale ahaan laymanka shirkadda oo dhulka hoostiisa maraya ayaa hadda waxaa soo badanaya boodhadhka waawayn ee xayaysiiska oo qofku boodhkii uu iska qotominayo inta uu dhulka qodo oo uu kala gooyo kaybal qaaliya, markaa dowladda waxaanu ka codsanaynaa in na loo ilaaliyo, sababta oo ah shirkaddu cashuur ayay ka bixisay kaybilada dhulka hoostiisa marayay.

Soo diyaariye :Axmed Macalin Maxamuud

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com