Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay diyaarinayso qorshe ku saabsan sidii caalamku ugu aqoonsan lahaa in Somaliland noqoto tusaalaha koowaad ee loo adeegsan karo xallinta mushkiladda 20-ka sannadood ka taagan dalka Soomaaliya.‏

London, Feb, 16, 2011- (maantasomaliland)- Dawladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay diyaarinayso qorshe ku saabsan sidii caalamku ugu aqoonsan lahaa in Somaliland noqoto tusaalaha koowaad ee loo adeegsan karo xallinta mushkiladda 20-ka sannadood ka taagan dalka Soomaaliya.

“Waxaan rabnaa in Somaliland loo arko tusaale wanaagsan, waxaanan doonaynaa inay tusaale u noqoto Soomaaliya inteeda kale.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr. Henry Bellingham oo u warramayey shalay laanta Af-soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain, ayaa dhowaan xarunta Wilton Park ku martigalisay shir ay ka qaybgaleen dawlado dhowr ah oo ta Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland ka mid yihiin, ururro goboleed iyo Qaramada Midoobay. Shirkaas oo socday dhowr maalmood waxa lagaga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, waxana ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Haddaba, Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah madaxa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da oo telefoonka ku waraystay Wasiir Henry Bellingham oo dawladda Ingiriiska ugu xilsaarnaa shirka lagaga hadlay arrimaha Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka Nigeria, kaas oo wax lagaga weydiiyey sababta Britain dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka ugu qabatay shirkaas iyo qorshaha dawladdiisa ee ku wajahan xallinta mushkiladda muddada dheer ka aloosan Soomaaliya.

Waraysigaas oo dhammaystiran waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Ugu horreyn maxay tahay ujeeddada dawladaadu ka lahayd shirka ay isugu keentay Somaliland, Somaliland, Puntland iyo beesha caalamka?

Jawaab: Aniga iyo Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda FCO ayaa qabanqaabinay shirkaas. Ujeeddadu waxay ahayd in aan isugu keenno dad kala duwan si ay uga wadahadlaan xaaladda Soomaaliya, waxana isugu yimi qaybo muhiim ah; UN, dawlado dhowr ah, dad Soomaali ah, Wasiirka Dibadda ee TFG iyo wakiillo ka socda Somaliland, Puntland iyo aqoonyahanno.

In la isku dayo in dib loo fiiriyo fahamka caalamku ee sii wanaagsanaanaya iyo in si iska-warqab ah oo dhan wax loo wada-wado loo taageero Soomaaliya.

S: Sidaa maxaa ka soo baxay?

J: Aad ayaa loo fahmay waxa dhibku yahay hadda iyo sida loo waajihi karo. Sidoo kale kadib in aan dhegeysannay wakiillo ka socda qaybaha Soomaaliya iyo TFG waxay ahayd wax aad u muhiim ah. Hadda aad ayaa loo fahmay waxa loo baahan yahay in qabto bilaha soo socda. Waa bilaha kooban ee ka hadhay waqtiga ku-meel-gaadhka ah.

S: Dadka Soomaaliyeed waxay ku wareersan yihiin sida looga baxayo xilliga ku meel-gaardha ah. Baarlamaanka Soomaaliya oo keligii saddex sanno ku darsaday xilligiisa iyo dhinacyo beesha caalamka ah oo hadda wada in hal sanno loogu daro dhammaan hay’adaha Federaalka Soomaaliya. Britain iyadu maxay qabtaa?

J: Waxay nala tahay inay ahayd wax khalad ah in baarlamaanka TFG uu keligii korodhsado muddada xilka. Waxay tallaabadaasi diraysaa farriin khaldan. Waa inay muddada u hadhay dad kale ku soo daraan. Waa in ay horumar sameeyaan. Waa in ay adeeg sameeyaan. Waa in ay ku soo daraan dad Soomaali ah oo ka soo jeeda qaybo kala duwan.

Wasiirradu waa inay hadda culays dhab ah saaraan waxa ay u qabaan karaan in la horumariyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

S: Human Rights Watch waxay shalay [Axaddii] soo saartay warbixin ku eedeynaysa dhinacyada ku dagaallamaya Muqdisho oo dhan inay galeen dembiyo dagaal. Waxa ku jira ciidanka TFG iyo kan AMISOM oo labadaba ay Britain taageerto. Maxaad ka leedahay?

J: Aad ayaan uga walaacsan nahay tallaabo kasta oo dad lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo, balse waxaan jecelnahay in aan muujiyo in ciidanka TFG iyo AMISOM ay xaalad adag ku shaqeeyaan. Shabaab ayaa weerar ku haysa, dawladdana waa in ay ilaaliyaan. Geesinnimada AMISOM iyo ciidanka dawladda dad baa tilmaamay, laakiin eedayn kasta oo ku saabsan ku xadgudub xuquuqda aadanaha ah waa in si buuxda baadhitaan loogu sameeyaa, mana sahashaneyno arrintaas.

S: Shirkii Wilton Park sida looga qaybgalay marka la eego tirada dawladaha, ururrada caalamiga ah, aqoonhayannada iyo wakhtiga iyo weliba kharashka Britain gelisay, waxa la is odhan karaa Britain waxay dooneysaa in ay horseed ka noqoto nabad raadinta Soomaaliya. Sidaasi sax ma tahay?

J: Anigu ma odhan Britain waxay doonaysaa inay iyadu hoggaamiso nabad-raadinta Soomaaliya. Laakiin waxaan leennahay khibrad iyo aqoon badan. Waxaan awoodnaa in aan isu keenno dawlado kala duwan, aqoonyahanno, dad khibrad leh iyo dabcan Qaramada Midoobay iyo dad khibrad leh oo Soomaali ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Markaa ma lihin waa in aan hoggaanka u qabannaa nabad-raadinta Soomaaliya, laakiin waxay ila tahay in Britain u gaar tahay inay macno badan meesha ku soo kordhiso, dalal kalena siday ila tahay ay ka soo saarto waxqabadkooda ugu wanaagsan, sababta oo ah waxaan leennahay hal ujeeddo oo ah in aan caawinno dadka Soomaaliyeed. Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo aan awoodno si aan Soomaaliya nabad uga dhalinno.

Soomaaliya waxay leedahay fursad aad u weyn mjustaqbalka haddii aan awoodi lahayn in dhibka hadda jira la xalliyo. Taas oo ah waxa Britain doonayso inay samayso. Waxaan doonaynaa in aan isticmaalno khibradayada, tas-hiilaadkayaga iyo aqoontayada si aan ugu kabno nabadaynta Soomaaliya.

S: Diyaar ma u tihiin ilaa nabad laga gaadho inaad la daba joogtaan dedaalkaas?

J: Haa. Su’aal kama taagana in aan ilaa mustaqbalka fog la socon doonno Soomaaliya. Bilaha soo socda waxa naga go’an in TFG muujiso horumar dhab ah.

TFG kuma talogeli karto inay korodhsiimo helayso haddaanay horumar sameyn. Haddaan qodobbo dhowr ah aan horumar laga samayn ma heli doonaan cusbooneysiin. Taas waan u caddaynay, waxaanan rajeynayaa inay horumarkaas samayn doonaan.

Ma aha dawladda keliya ee baarlamaanku waa in uu sameeyaa isbeddel, waa in dad kaloo Soomaali ah lagu soo daro, sida haween, culimaa’udiin, ganacsato, qurbajoogga iyo qabaa’ilka.

Waxa kaloo aan rabnaa in Somaliland loo arko tusaale wanaagsan. Dawladda degaanka Somaliland, waxay samaynaysaa horumar wanaagsan, waxaanan doonaynaa inay tusaale u noqoto Soomaaliya inteeda kale. Waxa kale oo aan u baahan nahay inaan culayska saarno in la xalliyo dhibaatada budhcad-badeedda.

Waxaan u malaynayaa mustaqblku waa wanaagsanaan doonaa. Aniga wanaag ayaa ii muuqda. Wanaag ayaa iiga muuqda mustaqbalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com