Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

madaxwayne kuxigeenka soomaalilaand oomaanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xabsiga dhexe eemagaalada hargaysa‏

Hargeysa (maantasomaliland) Feb.16, 2011 – Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray, iyada oo xaflad ballaadhan loo sameeyay furitaankiisa.

Xaflada xadhiga lagaga jarayay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano ka tirsan labada gole, madaxda xisbiyada qaranka, masuuliyiin ka socotay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo marti sharaf kale, waxaana halkaas laga soo jeediyay khubado la xidhiidha ahmiyada uu u leeyahay xabsigan amniga dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda maxaabiista ku jira.

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland Md Maxamed Xuseen Faarax [Xiirane], ayaa sheegay in ilaalinta xabsiyada wadanku ay yihiin hawsha ay ciidanka asluubtu saaran yihiin, isla markaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka maxaabiista, iyada oo meesha ay ka baxday tacadiyadii la lugala kici jiray dadka jeelasha ku jira, waxaana uu intaas ku daray in hab-dhaqanka ciidanku uu la talaabsanayo isbadelka maamul ee dalka ka dhacay.

Wasiirka caddaallada iyo garsoorka  Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ka hadlay munaasabadaas, ayaa sheegay in  dib u habayn lagu sameeyay ciidamada asluubta ee ilaaliya jeelasha, iyada oo lagu guulaystay in la dhawro xaquuqda aadamaha, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xabsiyadu ay  yihiin meelaha laga qiimeeyo heerka xuquuqul insaanka ee wadan kasta, waxa uu yidhi ”Aduunka waxa laga qiimeeyaa xabsiyada oo waxa laga eega heerka wadan kastaa ka taagan yahay, markaa waa muraayada laga dheehanayo heerka xuquuqul insaanka dalkeena waxa aanu doonaynaa in wax walba laga hagaajiyo, jeelkan waxa bilowday hay’ada UNDP markii hore imika waxa la wareegtay hay’ad kale, inkastoo aan lawada dhamaystiran oo waxa dhiman qaybo muhiim ah, waxa la dhisay qaybtii ragga oo kaliya  waxa dhiman qaybihii dumarka iyo carruurta”.

Waxa ugu dambayn halkaas ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Saylici, waxaana uu sheegay in xukuumad ahaan ay wax weyn ka qaban doonaan xaalada xabsiyada oo ay maxaabiistu kala kulmaan dhibaatooyin badan oo aan xad lahayn, isaga oo sheegay in mustaqbalka uu heerka xuquuqul insaanka Somaliland la mid noqon doona wadamada horumaray.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com