Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hay’ada NPA Oo Hawlo Biyo Dhaamis Ah Ka Bilowday Gudaha Magaalada laascaanood‏

Hay’ada NPA Oo Hawlo Biyo Dhaamis Ah Ka Bilowday Gudaha Magaalada laascaanood  February 16, 2011
Waxaa qaybo kamid ah magaalada lagu arkayay dad badan oo safaf ku jira oo ka faa’iidaysanaya hawlahan

Hay’ada NPA ayaa hawlo Biyo Dhaamis ah ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood iyadoo biyahaas gaadhsiinaysay dadka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood.

Hay’ada NPA ayaa hawlahan biyo Dhaamiska bilowday kadib markii dalab ay gaadhsiiyeen maamulka gobolka iyagoo ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka biyo dhaamiska.

Waxaa qaybo kamid ah magaalada lagu arkayay dad badan oo safaf ku jira oo ka faa’iidaysanaya hawlahan biyo dhaamiska ah.

Hawgaladan biyo dhaamiska ee ay Hay’ada NPA ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood ayaa kusoo aadayaa xilli biyo yaraan xoogani ay ka taagantahay gudaha magaalada iyo guud ahaan gobolka sool.

Hay’ada NPA ayaa sidoo kale todobaadyadii aynu soo waydaaranay waxay kicisay ceelkii riiga ee magaalada Buuhoodle iyagoo halkaas gaadhsiiyay qalabkii ceelkaas riiga ah lagu kicinayay,
Abaaraha iyo Biyo yaraanta ayaa halkii ugu saraysay gaadhay guud ahaan deegaamada kala duwan ee Gobolka iyadoo qaylo dhaanta abaarahaasina ay is oogsadeen dal iyo dibadba,

Hay’ada NPA ee xafiiskeedu yahay magaalada Laascaanood ayaa ka jawaabtay dalabkan Biyo dhaamiska.

Max’ed Xuseen Cilmi oo ah kusimaha madaxa xafiiska Hay’ada NPA ayaa sheegay inay Hay’ada NPA inay ka qayb qaadan doonto gurmadka abaaraha Ka jira gobolka sool Isagoo sheegay In Dadka biyo la aantu hayso ay Sinayso Biyo Saafiya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com