Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War Deg dega: Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Dawlada TFG Oo Maanta Lagu Xidhay Hargaysa

Hargeysa (maantasomaliland):- Wasiir kuxigeenka Wasaarada hawlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cali oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ku xidhan Madaarka Caalamiga ah ee  Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee maantasomaliland  u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan hawlwadeenada Airport-ka Hargaysa waxaana masuulkan xadhigiisa loo cuskaday inuu si sharci-daro ah u soo galay dalka, isaga oo aan wax cafis ah weydiisanin xukuummada Madaxweyne Siilaanyo.

Labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa hore sharci ka soo saaray qof reer Somaliland ee xil ka qabtay Dawlada Soomaaliya inaanu dalka ku soo noqon Karin ilaa uu cafis  weydiisto mooyaan, isla markaana waxa  ku si foobay khaayinul qaran.

Lama garanayo u jeedada socdaalka masuulkan, iyo inuu ka noqday mabdi’iisi hore ee Soomaali-weyn iyo in kale, ilaa imika kamay hadal xukuummada Madaxweyne Siilaanyo masuulkan socdaalka ku yimid.

Arrintan ayaa ku soo beegantay kadib markii uu dhawaan Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka qeybgalay Shir  Dawlada Soomaaliya loogu qabtay dalka London, taas oo ay daadufadeeyeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo UDUB.

Sidoo kale waxay hore ay xukuummada Somaliland Cafis u siisay Maxamed Jaamac [Sifir] oo xilal ka soo qabtay Dawlada Kumeelgaadhka Soomaaliya, isla markaana waxay xukuummadu dib u celisay Cismaan Kaluun.

Xuseen Cabdi Muxumed (Xarbi)

harbi-31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com