Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne siilaanyo oo maanta qaabilay wafti uu hogaaminaayo wasiir ku xideenka arimaha dibada ee dalka norway oo socdaal maanta dalka ku yimid‏

Hargeysa(MaantaSomaliland-) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka socday dalka Norway oo uu Hoggaaminayay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada MR. ESPEN BARTH EIDE.
Weftigaasi oo ka koobnaa lix xubnood waxay saaka ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa waxaana iyagoo ammaankooda aad loo adkeeyay loo soo galbiyay dhinaca xarunta Madaxtooyada.
Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa kulankii Madaxweynaha ay la yeesheen weftigaasi ka soo saaray war-murtiyeed u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Dawlada Norway,
MR. ESPEN BARTH EIDE.
Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noociisa ah oo ay Dawlada Norway iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.
Madaxwweynuhu waxa uu weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada, Madaxwweynuhu waxa kale oo uu Weftiga uga waramay sooyaalkii taariikheed ee somaliland iyo Sidii uu ku yimid midawgii hore ee somaliya iyo siduu ku burburayba.
Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.
Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada Norway u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland isaga oo Madaxweynuhu weftiga ku soo Dhaweeyey Dalka.
Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dalka Norway MR. ESPEN BARTH EIDE wuxuu Dawlada Somaliland ku amaanay Sida Qiimaha Badan ee ay uga Shaqeeyeen Horumarka Dalka iyo Dimuquraadiyada isaga oo si gaara ugu Amaanay Bulshada Reer Somaliland Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku muujiyeen Midnimadooda iyo sida ay ugu bisil yihiin in la Aqoonsado oo ay ka mid noqdaan Dawladaha Caalamka ka jira ee la aqoonsan yahay taasi oo uu sheegay in ay ka Norway ahaan Fiiro gaara u lahaayeen tadawarkii ay soo martay Somaliland ee Dhinacyada Dimuquraadiyada iyo dib u dhiska Dalka.
Wuxuu ku Nuux nuuxsaday Wasiirku xigeenku sida ay Somalialnd uga Shaqaysay nabad gelyada ka jirta dalkeeda taasi oo uu tilmaamay inay deris latahay xasilooni daro ka jirta Somaliya
Wasiirku Xigeenku waxa uu ka hadlay inay bulshada Caalamku isha ku hayso Budhcad badeeda isaga oo Somaliland-na ku amaanay Doorka ay ka Qaadato Budhcad badeeda kuna Dhiiri geliyey inay halkaa ka sii wado Dedaalkeeda.
Ugu Danbayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inay Dawlada Norway Soo Dhawaynayso Horumarka ka socda Somaliland isla markaana kor u qaadi doonto Xidhiidhka iyo kaalmada ay ka gaysanayso Dhicineeda
Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Duulista iyo Hawlada, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,.
Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnayeen.

  1. 1. Espen Barth Eide
  2. 2. Per Ludvig Magnus
  3. 3. Kjell Harald Dalen
  4. 4. Kjetil Elsebutangen
  5. 5. Rina Kristmoen
  6. 6. Geir A. Schei.

Dhinaca kale weftigan waxay la kulmeen shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland. waa weftigii ugu cuslaa ee ka socda dalka Norway ee socdaal ku yimaada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com