Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ku Tilmaamay Shirkii Uu Kaga Qaybgalay London Guul Diblumaasiyadeed, Eedayn Culusna U Soo Jeediyay Xisbiyada Mucaaradka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ku Tilmaamay Shirkii Uu Kaga Qaybgalay London Guul Diblumaasiyadeed, Eedayn Culusna U Soo Jeediyay Xisbiyada Mucaaradka.

Hargeysa (maantasomaliland) Feb. 19, 2011- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo saaka ka soo dagay madaarka caalamiga ee Magaalada Hargeysa ka dib markii u dhawaan kaga qayb galay Magaalada London shir muran xoog leh dhaliyay oo ay ka qayb galeen xubno ka socday dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, Somaliland, maamul gobleedyada Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in shirkaas ahaa mid muhiim u ah qadiyada aqoonsiga Somaliland, iyada oo kulankaas lagu soo qaaday sida caalamku u wajahayo arrinta Somaliland. Isla markaasna hoosta laga xariiqay horumarka dhanka dimuqraadiyada ee ay ka gaadhay.

Waxa Md Cumar sheegay in xisbiyada mucaaradku ay marin habaabiyeen shacbiga, iyaga oo sawir qaldan ka bixiyay shirkii uu ka qaybgalay Magaalada London oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid lagu mijo xaabinayo madaxbanaaninada Somaliland, waxaana uu wasiirku ugu baaqay madaxda xisbiyada mucaaradka in ay joojiyeen hadalada keeni kara mushkilad laga dhex abuuro bulshada, iyada oo loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo aqoonsiga Somaliland ay beesha caalamka

raadinayso.

xuseenxarbi

maantasomaliland

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com