Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Maamu-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, Digniina U Jeedisay Cida Ku Hawlan Hurinta Shaqaaqada Ka Taagan Kalshaale.‏

Hargeysa maantasomaliland) Feb. 19, 2011- Xukumada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay maamul-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo sheegay inay u qabayanayaan shir dib u heshiisiineed kooxaha ku hirdamaya gacan ku haynta siyaasada Somaliya, isla markaana ay Somaliland qayb ka tahay cida shirkaas loo qabanayo.

Xukumada, ayaa sheegtay in aanay Somaliland shirkaasi wax khuseeya aanu ahayn, isla markaana aanay ka mid ahayn kooxaha ku dagaalamaya Somaliya. Hase yeeshee ay tahay dal madaxbanaan oo qadiyada gooni isu taageedana ay 97% go’aamiyeen shacabkeedu.

Waxa hadalkan ka soo yeedhay labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Galmudug si kulul uga jawaabay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuuse] oo ku hadlayey afka xukumada Somaliland, isagoo la hadlaya labada maamul mar uu galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa, waxaa uu yidhi “Waxaan halkan kala hadlayaa maamul-gobolleedka Puntland iyo nimanka la yidhaahdo Galmudug oo inta ay shireen iyagu yidhi waanu heshiinay, Somali-na shir baanu u qabanaynaa Somaliland waa ka mid yidhi dadkaa ay shirka u qabanayaan.”

Md Cukuuse, isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray “Angu annaga oo ixtiraamayna Somalinimada iyo darisnimada, waxaanu leenahay waa laga wanaagsan yahay daandaansiga iyo farafaraynta, annaga [JSL] waa ogtihiin dal madaxbanaan banau nahay, umad jirta oo qadiyadeedii gacanta ku haysata baanu nahay JSL baanu nahay idinkuna waxan aad shirarka u qabanaysaan ee aad ku heshiinaysaane ama aad ku heshiini waayeysaan waa jamhuuriyada Somaliya.

Maaha inaynu mar kasta isku khaladno labada jamhuuriyadood ee SL iyo Somaliya, waxaanu idiin sheegaynaa in aanu nahay dal madaxbanaan oo distuur leh oo distuurkiisa ay u codeeyeen 97%, qadiyadana 97%-kaas ayaa u codeeyey, markaa waxaanu idiin leenahay walaalayaal aynu kala xishoono oo maalin walba inaga oo dad darisa ah farafaraynta noocan oo kale ah aynu is kula wareegno maaha.”

Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa uu sheegay in aanay marnaba Somaliland ka qaybgalayn shir dib u heshiineed oo loo qaybtay kooxaha ku hirdamaya awooda dalka Somaliya, isagoo shirkii magaalada London-na sheegay mid ay Somaliland beesha caalamka ugu soo bandhigaysay qadiyadeed, isla markaana ay kaga qaybgaleen casuumad rasmi ah oo ay ka heleen dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi “shirkaa waanu ka qaybgalnay waxaana si toos ah noogu soo marti qaaday dawlada Ingiriiska, waxaanu nahay dawlad 20 sannadood jirtay, waxaanu nahay dawlad markii hore ka mid ahaan jirtay Somaliya, waxaanu nahay dawlad madaxbanaanideedii la soo noqotay, waxaanu nahay dawlad waayo aragnimo badan lagaga da’yan karo, waxaanu nahay dadka ugu dhow ee dariska la ah Somaliya, dawlada Ingiriiska iyo beesha caalamka ee shirkaa ka soo qaybgalay waxa ay doorbideen in aanu talo ka bixin karno sida iyaga wax looga qaban karayo qadiyadooda, anagana waxa fursad noo ahayd in aanu qadiyadayadana ku soo bandhigno caalamka si aanu gacan waydiisano sidii aanu iskaga moosi lahayd dhibaatada had iyo jeer nagaga imanaysa iyo nabadgalyo darrada ka soo fatahaysa dhinaca Somaliya. Shir dib u heshiineed marnaba Somaliland kama qaybgalayso qadiyada iyo madaxbanaanida dalkana waxa iska leh shacabkiisa oo go’aansaday madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na waa biyo kama dhibcaan.”

Ugu dambayntii isagoo afhayeenku ka hadlaya shaqaaqada deegaanka Kalshaale ka taagan waxaa uu yidhi “Arinta Kalshaale waa sideedii walaahi waxa ay ku xasiloon tahay waa dulqaad xagayga ah, xagoodana waanu ugu yeedhaynaa waxaanu leenahay walaalayaal waxba ma tarayso farafaraynta aad nugu haysaan wax alle wax ay idiin kordhinaysaa ma jirto annagana dhibaato mooyee wax ay noo leedahay ma jirto, waxaanu ka codsanaynaa oo aanu waydiisanaynaa waliba annaga oo itaal iyo awoodba leh oo leenahay waxaanu jecelnahay mandaqada iyo gobolkuba isagoo nabada hadii laga maarmi waayana qadiyadayada waanu dufaacaynaa.”

xuseenxarbi

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com