Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Gurmadka Abaaraha Qaranka Oo Galabta Shaaciyey In Gacantooda Ay Soo Gashay Lacag Qadarkeedu Dhan Yahay 258,568 Oo Dollarka Ma. raykanka Ah

(Hargeysa ) Feb. 19, 2011- Guddida abaaraha qaranka dalka, ayaa galabta ku dhawaaqay inay gacantooda soo gashay lacag cadadkeedu dhan yahay 258, 568 Dollar, taasoo ay guddida abaaraha ay soo gaadhsiiyeen shirkedaha ganacasiga iyo qaar ka mida hay’adaha wadaniga oo kaga qaybgalaya wax ka qabashada abaaraha ba’an iyo biyo la’aanta dalka ka jirta, isla markaana saamaynta nololeed ku yeeshay dad iyo duunyo.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu ka mida guddida heer qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadu u xil saaray gurmadka abaaraha dalka, ayaa galabta sheegay in gacanta guddida abaaraha ay soo gashay lacagtaas oo uu sheegay inay shirkedaha iyo ururada wadaniga dalku kaga qaybqaateen wax ka qabashada iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Wasiirku waxa uu mahadnaq aad u ballaadhan u diray guud ahaanba dadkii iyagu lacagtan u soo bixiyey alle dartii isagoo xusay inuu ilaahay ka ja’saail siin doono maalinta yoomalqiyaame.

Wasiir Khaliil, waxa uu sheegay inay wali u furan tahay qof kasta oo doonaya inuu ka qaybqaato wax ka qabashada abaaraha iyo biyo la’aanta haysta bulshadeena, gaar ahaan dadka reer baadiyaha oo ay abaarahani noloshooda saamayn xoog leh ku yeesheen, kuwaasoo u baahan gurmad bina’aadanimo oo lagu badbaadinayo nolosha dadweynahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com