Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Amaanka Magaalada Hargeysa Oo Xalay Saqdii Dhexe Gacanta Ku Dhigay Rag Looga Shakiyey Falal Argagixiso Oo Laga Fuliyo Gudaha Somaliland.

Ciidanka Amaanka Magaalada Hargeysa Oo Xalay Saqdii Dhexe Gacanta Ku Dhigay Rag Looga Shakiyey Falal Argagixiso Oo Laga Fuliyo Gudaha Somaliland.

Hargeysa) Feb. 20, 2011 – Ciidanka amaanka ee magaalada Hargeysa oo kaashanaya hay’ada sirdoonka qaranka ayaa xalay gacanta ku dhigay todoba nin mar ay hawlgal ka fuliyeen hotel ka mida hoteelada caasimada ku yaalla oo ay ninkaasi ku jireen.

Raggan oo tiradoodu dhamayd Todobada nin ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ee dalka Somaliya, iyagoo ciidanka amaanka iyo hay’ada nabadsugiduba la socdeen dhaqdhaqaaqooda, markii ay soo galayeen xadka Somaliland la wadaagto Somaliya, waxaana ay ciidanka ka qabteen xalay hotel Barwaaqo oo ku yaala bartamaha magaalada Hargeysa.

Raggan ayaa ciidanka amaanku uga shakiyeen inay damacsanaayeen fulinta falal argagixiso oo ay ka fuliyaan Somaliland, waxaana hadda socota baadhitaan ay wadaan ciidanka dambi baadhista CID-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com