Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Dhaliyarada Somaliland Oo Ku Suntan 29 Guurada Ka Soo Wareegatay Maalintii Dhagar Xuurka Dhalinyaradii UFFO

Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Dhaliyarada Somaliland Oo Ku Suntan 29 Guurada Ka Soo Wareegatay Maalintii Dhagar Xuurka Dhalinyaradii UFFO

Hargeysa(Maantasomaliland)- waxa Guud ahaan dalka maanta si weyn looga xusay maalinta dhalinyarada Somaliland oo ku beegan 20. Febuary oo sida oo kale ku astaysan xuska sanad Guuradii 29 ee ka soo wareegatay maalintii dhagartuurka ee dhalinyaradii Somaliland ee ay kala hor tageen Macan gagii Siyaad bare.

munaasibada balaadhan oo lagu xusayey Maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa maanta lagu qabatay xarunta Beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, waxa munaasibadassi ka soo qayb galay masuuliyiinta qaran oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyayasha Asxaabta qaranka iyo qaar ka mida dhaliyaradii ka soo qayb gashay maalintii dhagartuurka oo ku beegnayd bishii labaad ee sanadii 1982 kii markii ay koox dhalin yaro ahi mudahraad kala hor tageen dhiigya cabdkii kaligii taliyaha ahaa ee Siyaad Bare.

Munaasibad balaadhan oo loo qabatay xuska maalintan ayaa waxa saaka lagu qabatay xarunta beerta xoriyada ee magaalda hargeysa, waxa munaasibadaasi oo si weyn loo soo abaabulay qaban qaabiyey Dalada dhalin yarada Somaliland ee SONYO.

Munaasibadaasi ayaa intii aanay bilaabin waxa ay masuuliyiintii iyo aradaydii ka soo qayb galay ay socod ka soo bilaabeen xarunta wasaarada arimaha Gudaha iyaga uu ku soo gaadhay socodkaasi, taalada loo saameeyey shahiidiintii ku dhinatay markii ay Ciidamdii Siyaad bare rasaasta ooda kaga qaadeen dhalin yaradii dhagartuurka ka qayb qaadanaysay, Febuary 1982, waxa ay haalkaasi masuuliyitaas oo uu horkacayaan Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdio Aadan iyo Wasiirka Cayaaraha Axmed Maxmed Madar iyo Gudoomiyahay Hay;ada CCAGG Md.Axmed Muxumed Madar ay ubax ku dhigeen taaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com