Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiyada Qaranku Maxay Ka Yidhaahdeen Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Hag

Xisbiyada Qaranku Maxay Ka Yidhaahdeen Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Hag
Hargeysa21 /3/11 (maantaSomaliland)- Sadexda xisbi qaran ayaa si isku mid ah uga hadlay dagaalka ka socda deegaanka u dhaxeeya Buuhoodle iyo qori lugud, waxaanay sheegeen in codow soo weeraray ciidamada qaranka isla markaasna waxay ku baaqeen in loo midoobo difaaca dalka.
Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, waxay sidaasi ka sheegeen xuskii maanta lagu qabtay fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa ee loogu dabaal degayay 29 sano guurada ka soo wareegtay maalintii dhagtuurka ay sameeyeen ardayda dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa 20-kii bishii Febarwari sanadkii 1982-kii, xiligaasi oo maxkamad ku sheegtii Badbaadada ee taliskii Siyaad Barr ay maxkamadaynaysay qaar ka mid ah dhalinyaradii ururkii mutacalimiinta ahaa ee UFFO.
Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Dallada ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday xukuumadda sadexda xisbi qaran, iyo boqolaal dadweyne ah oo ka mid ah bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa
Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Maanta waxa ii muuqda colaaddii taalay koonfur inay soo hufayso oo ay dhinaceena u soo socoto, waxaan leeyahay dhallinyaro iyo waayeelba in la diyaar-garoobo. Wadankeenu ciidan wuu leeyahay laakiin ciidan kayd ah ma laha waa inuu jiraa ciidan kayd ah oo imikiba la bilaabo diiwaangelintii, waxaana aan bilaaba odhan lahaa Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe.
Waxa xilligan loo baahan yahay inaynu u midowno, anigu ma garanayo in Soomaaliya jirta , waxa isku haya Alshabaab, TFG, qaar ka go’ay oo la yidhaahdo Puntland, Gal mudug iyo ximin iyo xeeb waxaan jecelahay markay Soomaaliya, Soomaaliya noqoto ee ay dawlad qudha sameystaan, markaa Somaliland way la hadli, imika yay la hadlaysaa? Labaatanka sanadood ee la soo dhaafay waxaynu kaga badbaadnay waxba kumaynaan darsan.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xuskaasi wuxuu yidhi “Waxa loo baahan yahay in xuquuqda dhallinyarada la siiyo, waxa loo soo dagaalamayay xoriyad iyo horumar, xoriyadu waa la helay horumarkii waa inaynu helnaa, wali ma hayno dawlad la timid barnaamij horumarineed oo dhallinyaradda wax loogu qabanayo.”
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay dagaalka ka dhacay deegaanka Kalshaale wuxuu yidhi “Waxaan ka cabsi qabaa in dagaalka Kalshaale haddii aanu Ilaahay inaga qaboojin inuu dagaal dheer noqonayo, saddex berkadood way ka weyn tahay, waa qorshe nidaamsan oo lagu doonayo in aan Somaliland la ictiraafin, markii dimuqraadiyaddii iyo doorashooyinkii aynu sasmaynay ayaa la yidhi aynu dagaal gelino. Waxaanu KULMIYE isku ogayn in UDUB foodka laga helo oo dawlad dalka midaysan aynu samaysano oo horumar keenta. Laakiin waxay u egtahay laakiin waxaad mooddaa markii gaadhigu madaxtooyada galayay ay ka daateen oo rag kale fuuleen.
Waxa loo baahan yahay in ay dadka hanato barri (maanta) aniga iyo Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanu la balansan nahay madaxweynaha waxaana jecelahay in aanu u geyno tallooyin wanaagsan oo dalku ku socdo.
Anigu waxaan taaganahay shirkii London mid la inagu khiyaameeyey dawladu haddii ay leedahay wuu fiicnaa ka tidhaahdo sax ayuu ahaa oo faa’iidadaasi ayaa inoogu jirta.”
Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay wuxuu yidhi “marka waxaan hambalyaynayaa inta ka nool dhallinyaradii UFFO ee dhibaatada badan u soo maray halgankii dalkan iyo ardaydii maalintaa dhagax tuuraysay. Waxaan is leeyahay cid ka geesisani ma jirto nin kaare dhagax kala hortagay.”
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in Somaliland weerar lagu soo qaaday waxaanu yidhi “Dagaalkani ma aha mid beelo ah iyo mid Somaliland dhexdeedaba ah, mushkiladii ka bilaabantay berkadaha siddii ay ahayd ayaa loo xaliyay, waxa la yidhi walaaltinimo ha lagu wada noolaado berkadihii waa la aasay, dalkii cadow ayaa inagu soo duulay waana waajib bari iyo galbeed inaynu wada difaacano.
Waxaanu leenahay canaanta xisbiyada mucaaridka ah, waanu ogolahay. Arrinta aynu ku faanaynaa haddii ay Somaliland nahay waa talladii ayaa meerto inoo ah, waxa keliya oo aanu codsanaynaa hadalka kiisa kulul iyo kiisa qabow ka qaboow ayaa wax lagu qaataa. Anaguna barigii aanu mucaaridka ahayn waxaanu weynay dhego na maqla, laakiin waxaanu idin leenahay kaalaya oo tallada aynu wadaagno oo tashano.”
“Horta waxaanu caddaynaynaa cida Soomaaliya shir la gashaa ee talladeeda wax ka heshaa ka uu doono ha ahaado, xilka uu doonana ha hayo waa dembiile qaran waxaana la marinayaa halkii kuwii hore wasiirkii khaarajigu markuu soo laabtay wuu hadlay horena wuu u hadlay wuxuu inoo sheegay inuu yahay nin dalkiisa u dagaal tagay oo wax u soo dhicinaya oo fagaare loogu yeedhay oo dalkiisa wax u doonaya ayuu ahaa, laakiin may ahayn in laga dhigo dembiile qaran, horta anigu ma nihiin kuwa Somaliland looga baqayo ma nihin,” ayuu yidhi Mudane Muuse Biixi.
Wasiirka wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Madar, oo soo gabogabeeyey xuskaasi. Wuxuuna dhambaal hambalo ah u diray inta ka nool dhallinyaradii maalintii dhagax tuurka 20-kii bishii Febarwari sanadkii 1982-kii ka dhacay magaalaada Hargeysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com