Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hagoogane (maantasomaliland)-Warar Xogogaal ah oo aanu goor dhawayd ka helnay Xogo ku dhaw dhaw jiida hore ee furinta dagaalku ka dhacay shalay ee hagoogane ayaa sheegay in 70 nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxaha Alshabaab oo ku jira dhaam wayn oo biyaha laga cabi jiray wakhtiga gu,ga oo ka qodan deegaankasi kuwaasi oo dhufays ka dhigtay,isla markaana ku haysta hubkii iyo raashinkii ay isticmaalayeen.

70 Nin oo loo malaynayo inay ka tirsanyihiin alshabaab oo Ciidanka Qaranku Ku gadolinium Dhaam ku yaala Hagoogane.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa ku Wareegsan isla markaana gaadh ka haya Nimankaasi ku jira dhufayska

Hagoogane (maantasomaliland)-Warar Xogogaal ah oo aanu goor dhawayd ka helnay Xogo ku dhaw dhaw jiida hore ee furinta dagaalku ka dhacay shalay ee hagoogane ayaa sheegay in 70 nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxaha Alshabaab oo ku jira dhaam wayn oo biyaha laga cabi jiray wakhtiga gu,ga oo ka qodan deegaankasi kuwaasi oo dhufays ka dhigtay,isla markaana ku haysta hubkii iyo raashinkii ay isticmaalayeen.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa ku Wareegsan isla markaana gaadh ka haya Nimankaasi ku jira dhufayska ee lagu tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin alshabab.

Warkan oo maantasomasliland ka heshay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan jiida hore ee Furinta ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dagaalkii uu joogsatay shalay maqribkii.

Dagaalka ka dhacay shalay deegaanadaasi ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dhawr iyo labaatan qof oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee Dagaalku u dhexeeyo, Warku waxa uu intaasi ku darayaan Maleeshiyadda Nabad diidka ah ee SSC shalay laga dilay ku dhawaad 20 ruux dhaawacuna hadh belay, halka ciidanka Somaliland ay kaga dhinteen 6 Askari kana dhaawacmeen 10 askari.

Dagaalka shalay oo ahaa mid baaxad leh ayaa la sheegayaa in khasaaruhu intaa ka balaadhanyahay balse aan lahayn xaqiiqda rasmiga ah ee uu gaystay dagaalkaasi shalay ka dhacay Hagoogane.

Waxaa soo ifbaxaya tuhun hore oo laga Qabay in Ciidamo Argagixiso ahi ku lug leeyihiin dagaalka gaadmada ah ee lagu soo qaado ciidanka Somaliland kuwaasi oo gacan siiya Maleeshiyo beeleedka Nabad diidka ah ee ka soo hor jeeda jiritaanka qaranimadda Somaliland, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo jirintaanka qaranimadda Dalka somaliland

Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco goor dhaw shabakada wararka ee maqalka iyomuuqaalka ah maantasomaliland
maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com