Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Kooxaha Dagaalada ka Wada

Hargeysa (maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed oo uu u diray kooxaha nabadgelyo darrada ka wada bariga dalka.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uuAfhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir soo saaray kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Bismillaahi Raxmaani Raxiin, marka hore waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo uu khasaare ka soo gaadhay dagaalada ka dhacay Deegaanada Buuhoodle, waxaanan baaq nabadeed u jeedinayaa cid kasta oo faraha kula jirta.

      1. Isla maalintii aan xilkan qabtay iyo Intii ka danbaysay waa markii Afraad ee aan Baaq nabadeed iyo gogol u fidiyo Cidii tabasho siyaasadeed qabta.
      2. Waxa aanu dirnay oo goobta tegay ergo balaadhan oo muddo dheer hawshaa ku jirtay, ergadaas oo ka koobnayd Wasiirro, Madax-dhaqameed, Culimo, Madaxda Xisbiyada iyo waxgarad kale.
      3. Ergadaasi markii ay muddo joogtay ee ay labada dhinacba la kulantay waxay gaadheen go’aamo. Nasiib darro go’aamadaasi may noqonin kuwo ay arrintu ku dhamaato oo waa la diiday
      4. Halkaa kaga maanu hadhin ee waxaan ka bixiyey amaro cad cad oo xiisada lagu soo af-jaro.

Jawaabta ay kooxda Nabad diidka ahi ka bixisay dhaq-dhaqaadaa nabad doonimo ee ay Xukuumada Somaliland u fidisay.

      1. Saddex goor ayey Ciidanka Qaranka ku soo weerareen Fadhiisankooda.

      2. Wasiirkii Kalluunka ee Putland oo si badheedha u dhiiri geliyey Colaada.

      3. Madaxweynaha Puntland laftiisa oo qirtay, isla markaana dagaal ku baaqay, Xildhibnada iyo Wasiiradda Puntland ee gurmadka ku jooga jiida ay xasilooni daradu ka jirto.

Waxaas oo dhami naga niyad-jebinayaan dedaalkii nabad doonimo ee aanu horeba u wadnay, sidaa awgeed waxaan mar kale ku celinayaa walaalaayaal caqligu ha shaqeeyo, colaaduna waxba ma tarto, ninka ku deg-degaana kuma faa’iido, dhibaatada soo gaadha shacbiguna, dhinac kastaba ha joogaane wayna damqaysaa. Ciidamada Qarankuna hawsha ay hayaan waa tii ay u xil saarnaayeen.Waxaanay garab taagan yihiin dedaalka nabad-doonimo ee Somaliland doonayso.”

Xuseen Cabdi Xarbi
Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com