Madaxweynaha jamhuuryada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa berri la filayaa inuu xadhiga ka jarao Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka oo laga hirgeliyay deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.
(maantasomaliland):-Madaxweynaha jamhuuryada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa berri la filayaa inuu xadhiga ka jarao Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka oo laga hirgeliyay deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.
Dugsigan oo laguaa qaban dono xaflad aad u balaadhan waxa ka soo qayb gali doona dhamaan Ciidamadda kala duwan ee Dalka, waxana lagu maamuusi doonaa Dufcadii ugu horaysay oo lagu xarayn doono isla markaana loo bilaabi doono Tababar heer sare ah.
Dugsigan oo in Muddo ah dhisnaa waxa Somaliland ka caawisay Dawladda Britain, taasoo ugu talogashay in ay ka dhigto Akadamiyad Ciidamadda Somaliland ku qaataan Koorsooyinka kala duwan ee ay qaataan Ciidamo u abuurana qaab dawladnimo.
Hore, Dawladda Ingiriisku waxa ay Somaliland ugu dhistay Wasaaradda Gaashaan dhiga Hargeysa taasoo muuijsay xidhiidhka ka dhaxeeyay labada Dal mid aad u wanaagsan
sourse waaheen
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413