Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guryaha lagu Gubayo Hargaysa oo sii badanaya, Cabsida Shacabka oo Cirka isku sii Shareertay iyo Nin Guri Gubaya oo la qabtay

Hargeisa,Magaalada Hargeisa oo mudooyinkii u dambeeyey ku soo kordheen Falal aan hore loo arag oo lagu gubayo Guryaha,ka dib markii Bil gudeheed lagu gubay 22 Guri ayaa shalay waxa lagu gubay 2 guri oo kale,kuwaasoo ku yaala Xaafadaha Sh. Nuur oo ka tirsan Degmada gacan Libaax ee Bariga Magaalada Hargeisa. Guryahan oo ahaa 2 Guri oo mid dhagax yahay ka kalena Jingaad ka dhisanyahay kuna yaala Xaafada Kilalka shanaad ayaa waxa mar kaliya lagu war helay Urta Sun kiminko ah oo Guryahaasi Dushooda la saaray,taasoo markii ay Cadceedu ku dhacday Olol Samaysay,waxaana markiiba goobta Guriyahaasi ku yaaleen soo gaadhay Gaadhi Dab damis ah iyo dadweyne Gurmad ah oo tiro badan,kuwaasoo markiiba bakhtiyey Dabkii guryahaasi Dushiisa ka kacay. ma jirto Cid wax ku noqotay dabkaasi Guryaha Gubtay maanta ,balse waxa khasaare aan badnayni soo gaadhay Dhismaha labadaasi Guri,kuwaasoo dabku wada gaadhay Jiingadii dhakada ka saarnayd. Dad goob jooga aah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in Gubashada Guryahani ka dhalatay walxo ilaa hada aan la garanyn oo la sheegay in guriga lagu dul daadinayo habeenkii,taasoo marka ay cad ceedu ku dhacdo dab dhalinaya, ma cada ilaa hada sababta keenaysa Gubashada Guryahan ku Gubanaya Magaalada Hargeisa oo hada tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 25 Guri,.
Laakiin intii hore waxay ku eekayd Gubashada Guryuhu Maalinnimada balse waxa xalay la arkay Guri ku Gubanaya Xaafada Xawaadle ee Degmada 26 Jun oo uu markii ugu horaysay Dabku u soo talaabay, iyadoo Wariyaal ka tirsan Waaheen u kicitimay Xalay Dhinaca Guriga gubtay laga soo sheegay ayaa intii ay jidka ku sii jireen waxa ay arkeen Guryo kale oo badan oo dad ku buuqsan yihiin lagana shakisan yahay in lagubayo, waxaanay Indhahooda saareen Guri ku yaal xaafada Goljano oo laga maydhayo Kimiko lagu shubay Wajahadiisa .
Ilaa hada waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo shalay gelinkii dambe la hadlay Saxaafada. Dhinaca kale waxa Cirka isku sii shareertay Cabsida dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeisa,gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Xaafadaha dhinaca bari ku yaala,Kuwaasoo qaarkood sida la sheegay aanay habeenadii u dambeeyey Seexan Guryaha Cabsi awgeed,halka dadka ku dhaqan Xaafadaha kale magaaladuna a wadnaha farta ku hayaan falalkan oo sii fidayaya.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay markii u horaysay ka hadlay guriyahan ku yaala Magaalada Hargeysa kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay.
“Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo
Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Col, Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal] AYAA shalay ku dhawaaqay in ay ciidanku gacanta ku dhigeen nin isagu wakhtigaas gacmaha kula jiray oo fulinayey fal uu ku gubayey guri ku yaalla xaafada New Hargeysa.
Taliyaha ayaa sheegay inay Aiidanka Amaanku ka wadaan xaafadaas iyo meelo kale hawlgalo culus oo ay kaga hortagayaan, isla markaana ay amuurtan ku fashilinayaan, isagoo sheegay in ay hadda gacanta ciidanka ku jiraan shan qof oo loo haysto fal dambiyeedkan.
Taliyaha iyo saraakiisha sare ee taliska ciidanka booliska Somaliland oo u waramayey warbaahinta, ayaa dadweynaha ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah xaafada laga gubay guryaha ugu badan usoo jeediyey in ay is dajiyaan, isla markaana ilaashadaan nabadgeliyadooda oo ay sheegeen in lagu soo duulay, waxaana ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin hor leh oo ay talis ahaan wax kaga qabanayaan cida ku kacaysa falalkan iyo cida dabada ka riixaysa.
Dhinacakale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Hargeisa,gaar ahaana dagmada Gacan libaax ee Magaalada Hargeysa ayaa si kulul ugu Cambaareeyey Xukuumada Somaliland wax ka qabasho la,aanta Falalka Guryo Gubista ah, oo Bishii u dambaysay Xaafadaasi si ba,an uga socotay,isla markaana ilaa hada lagu Gubay 24 Guri oo ku yaalada Degmada Degmada Gacan Libaax.
Xildh.Xoog oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si cad u tilmaamay in Xukuumadda Talada Haysaa hagratay wax ka qabashada Falalkaasi waxashnimada ah ee lagu gubayo Guryaha, kuwaasoo uu sheegay in si gaar ah loogu bar tilmaameedsanayo dadka ku dhaqan degmadaasi gaar ahaan Xaafada New Hargeisa si loo baro kiciyo.
“Xaafada New Hargeisa waxa ka socda Baro kicin muwaadiniin,waxaanan anigu aan qabaa in si gaar ah loo bar tilmaameedsanayo,waana arin aan hoosta ka xariiqayo xaqiiqadeeda,dadka ku dhaqanina xalayto may seexan oo saaka ayaan tagay oo Runtii Argagixiso ayaa ku dhacday oo may seexan,dawladuna meel madaw ayey ku riday oo annigu Xukuumadda aad baan ugu dhaliilayaa arintaasi inay ka hadli wayday Xaafadaasi ka socota,waxaanan qabaa Xaafadaasi inaan loo hagar bixin
Taliyaha Ciidanka Bilayska Saaka waan u tagay oo waxaan ku idhi waxaan kaa doonayaa Xogta dadkii falalkaasi loo soo qabtay,waxaanu igu yidhi 4 qof ayaa loo hayaa,waxaanan ogahay in dadka la soo qabqabtay aanay ahayn dad waxanba shaqo ku leh, oo waxa ku jira inan waalan iyo laba dumar ah oo la yidhi jaad iyo waxbay isku haysteen
Adeer sidan Somaliland ku wada noqon mayno ee dadka nabadgelyadooda ilaaliya hadii kale waxaa tidhaahdaan somaliland ma tihidine is difaaca,cashuurna bixin mayno hadii dadkayagii Nabadgelyadooda la ilaalin waayo.”
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale waxba ka ma jiraan ku tilmaamay warar aan rasmi ahayn oo sheegayey in falalkan Gubista Guryaha uu ka dambeeyo Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB,ugana danleeyahay sidii uu shacabka ugu kicin lahaa Xukuumadda,waxaanu sheegay Xildhibaanku in Xisbiga UDUB hadii uu cid waxyeelo u geysanayo aanu ka bilaabeen Taageerayaashiisa,isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi
“Xisbiga Udub hadii uu wax gubayo taageerayaasha muu gubeen ee Xaafadan waxa la leeyahay Kulmiye umay codayn ee hala gubo ama hala baro kiciyo waxaan yeelayno maaha”.
Hadaba waxa soo baxaya Xogo laga helayo falalkan oo la sheegay inay hore uga dhaceen Maamul Goboleedka Puntuland oo lagu gubay Guryo badan balse, balse baadhitaan ka dib waxa ay Gacanta ku dhigeen Dad Ajaaniba ah oo falalkan ka danbeeyay kuwaasoo u jeedadoodu ahayd inay amaanka khalkhaliyaan, waxaanay kaga badbaaday oo ay falalkani joogsadeen ka dib markii ay Dalkooda ka saareen Dad badan oo ajaanib ah oo u dhashay Koonfurta Somaliya, kuwaasoo loo anaynayay inay iyagu falkaa ka danbeeyeen, isla markaana waxa Xabsiga loo taxaabay Dad badan oo ku lug lahaa falalkan kuwaasoo yaqaanay Habka laysugu daro Kimikooyinka, taasoo la mid ah walxaha ay sameeyaan Kooxaha argagaxisada ahi, mase cada ilaa hada cida ka ka danabsay falalka ka dhacaya Hargaysa iyadoo Dadka ilaa hada loo qabtay ay yihiin Dad Reer Somaliland ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com