Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dubia Kula Kulmay Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Niger Mr Bukhari Sani Chaibou.
(maantasomaliland):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Abdirahman Saylici iyo waftigii la socday oo ku sugnaa baryahan danbe magaalada Dubai ayaa la kulamay 12/09/13 afhayeenka baarlamaanka dalka Niger Mr Bukhari Sani chaibou.
Kulankan oo u qaban-qaabadiisa lahaa Mr Hussein alquraishi oo ah madaxa sanduuqa horumarinta mashaaricda Africa ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay safiirka dalka Niger u fadhiya imaaraatka carabta Mr Khalifa Sinaad iyo qunsulka dalka Chad ay ku leedahay dalkan U A E.
Intii shirkani socday ayaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland kala hadlay masuuliyiinta dalka Niger iyo Chaad arimo badan oo khuseeya aayaha Somaliland iyo sidoo kale arimo badan oo ay ka mid yihiin deeqooyin waxbarasho oo ardayda Somaliland ka helaan dalalkan.
Waxa sidoo kale Mr Hussein alishaqi u suurtagaliyay madaxayne ku xigeenka Somaliland iyo wafdigii la socday inay kulan la yeeshaan shirkada loo yaqaan allied petroleum ee sida wada wadaaga ah ay u leeyihiin ingiriiska iyo Australia, taas oo shidaalka iyo dahabka ka baadha dalal badan oo afrikaan ah sida Zimbabawe, Tanzania, Uganda iyo Ethiopia.
Waxa halkaana la iswaydaarsaday arimo dhawr ah oo la xidhiidha dhanka ganacsiga guud ahaan iyo arimo u gaar ah shidaalka iyo macdanta Somaliland.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413