Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ka mida culumada caanka ah ee dalka, ayaa khudbadiisii jimacaha ee maanta kaga hadlay xaalada amaanka

maantasomaliland) Feb. 25, 2011- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ka mida culumada caanka ah ee dalka, ayaa khudbadiisii jimacaha ee maanta kaga hadlay xaalada amaanka ee wadanku sugan yahay wakhtigan.

Sheekhu waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo khatar ku ah amaanka, kuwaas oo aanay xukumada wax ahmiyada siin wax ka qabashdooda si logo hortago inta aanay saamayn ku yeelan amniga guud ee dalka, iyada oo ay wasaarada arrimaha guduhu ku guuldaraysatay sugida amaanka, waxaana uu ydhi ”wasaarada arrimaha gudaha waxa aanu leenahay waad gabteen hawshiinii oo ahayd in aad ilaalisaan amniga wadankan, shaqadani waxa ay u baahan tahay daacadnimo, waxa dhacaya waa laga wada warqabaa waa ay fidi doonaan hadaan waxba laga qaban.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay guryaha la gubay ee xaafada New Hargeysa, waxaana uu arrintan ku tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in dab laqabadsiiyo guryo ay leeyihiin dad muwaadiniin ah oo aan waxba galabsan, waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool xaafadaas in ay ka qayb qaadan sugida amaanka wadanka, isla markaana aanay u jeedooyin kala looga faa’iidaysan xaaladan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com