Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo ka hadlay dhacdooyinkii Genel Energy & Diyaaradda Itoobiya
(maantasomaliland):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horraysay ka hadlay arrimaha la xidhiidha shirkaddii hakisay shiidaal qodista ee Genel Energy iyo Duulimaadyadii Diyaaradda Itoobiya ee hakadka galay.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay khudbadii uu maanta ka jeediyay xafladii furitaanka Kulliyadda tababarka saraakiisha ciidammada ee lagu qabtay magaaladda Dararweyne ee duleedka Hargeysa. Waxaanu si adag u difaacay heerka nabad-gelyadda dalka oo uu tilmaamay inay aanu ku iman wax hoos u dhac ahi.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in masuuliyiinta mucaaridku ay mararka qaarkood ku hadlaan hadalo wax u dhimaya qaranimadda isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrinta shiidaalka ee shirkadda Genel Energy iyo diyaaradda Ethiopian Airline, arrintan oo ay masuuliyiinta mucaaridku tilmaamo khaldan ka bixiyeen, bulshadana ay ku soo dhex tureen hadalo aan la hubsan, aflagaado aan loo miidaan dayin iyo mararka qaarkood oo ay ku baaqayaan hadallo ay qaranimadda wax ugu dhimayaan oo ay nabad-gelyadda dalka mugdi ku gelinayaan.”
“Walaaleyaal shirkadda Genel may bixin ee way hakisay shaqadeedii, shirkadda Ethoian Airline wax ceeb ah kamay sheegin madaarka Hargeysa, wixii la sheegayayna waxay ahayd been la abuuray oo la buun-buuniyay,”ayuu yidhi Madaxeynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in dalku yahay mid nabad-gelyo ah oo aanay ka jirin wax amni xumo ahi, waxaanu yidhi “ILAAHAY mahaddii dalka Somaliland waa Nabad-gelyo, waxaanu marayaa meel fiican oo lagu faano. Mana jiraan wax hoos u dhac ah oo ku soo kordhay nabadgelyadda dalka. Waxa uu dalkani leeyahay ciidamo heegan u ah oo nabad-gelyada dalka ilaaliya. Waxa kale oo uu leeyahay bulsho u diyaar ah oo u darban ilaalinta dalkooda. Waxa uu leeyahay dawlad u daacad ah oo ay ku soo doorteen codkooda.”
“Waxaanay shacbigu kala ogyihiin cida u daacad ah ee dalka dhisaysa ee ku hawlan horumarintiisa iyo kuwa cayda iyo afmiishaarnimada la taagan gidaaradda ee u samaystay Goleyaasha sharci darrada ah.bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay nabad-gelyadiina ilaashada, ciidanka la shaqeeya oo caawiya, is barbar taaga oo qarranimadda u midooba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413