Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Ayaa maanta Dhagax dhigay Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,illaa Sadex kiiloo Mitir oo lagu kordhin doono Garoonka diyaaradaha ee magaalada BurcoDAAWO SAWIRAD.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Ayaa maanta Dhagax dhigay Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,illaa Sadex kiiloo Mitir oo lagu kordhin doono Garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco.
Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu Xadhiga ka jaray Miiska saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Qaybta laba iyo Tobnaad,isagoo dhinaca kale Xaflad qalin jabinta kala qaybgalay 150 Arday oo Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacada Golis ee Magaalada Burco kuwaas oo dhamaystay Kuliyado kala Duwan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlay xafladihii loo sameeyay mashaariicdan la furay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha xukuumadiisu ugu tallo gashay in lagu horumariyo adeegyadda ay dawladdu u fidiso dadweynaha.
Weftiga madaxweynaha waxa ku wehelinaya socdaalkiisa goboladda barri ee dalka Marwadda koowaad ee Somaliland, Wasiirrada Madaxtooyadda, Waxbarashadda, Warfaafinta, Gaashaan-dhiga, Deegaanka, Beeraha, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Afhayeenka madaxtooyadda.
MAANTASOMALILAND/OFFICE
BURCO