Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo kormeeray dadkii guryaha laga gubay

Hargeysa (maantasomaliland) Feb. 25, 2011- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo kormeeray dadkii guryaha laga gubay ee xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax.

Guddoomiye Faysal, ayaa markii uu halkaas uu gaadhay waxa uu ku tilmaamay wax aad looga naxo falalka arxan darrada ah ee muwaadiniinta reer Somaliland hoygoodii ay ku noolaayeen lagaga gubay, isagoo guddoomiyuhu kala sheekaystay dadweynaha xaafadaas qaabka loo gubayo guryaha iyo waxyaabaha loo adeegsanayo. Iyagoo dadweynuhuna dhankooda uga waramay Guddoomiyaha qaababka loo fulinayo falalkan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo markii uu kormeerkiisa soo dhamaystay warbaahinta kula hadlay xaafadaas, ayaa guud ahaan shacbiweynaha, ganacasatada, xukumada iyo hay’ada gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhakhasaha badan dadkan u la soo gaadhaan gargaar.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa falalkan ku tilmaamay inay wadaan dad cadow ah oo ka xun qaranimada Somaliland, wada noolaashaha shacabka walaalaha ah, isagoo u soo jeediyey dadweynaha ku dhaqan degmada Gacan-libaax iyo guud ahaan dadka reer Somaliland inay ilaashadaan nabadgalyada, qaranimadooda iyo wada jirkooda.

Md Faysal, waxa uu xukumada ku dhaliilay qaabka ay uga hawlgashay wax ka qabashada arintan, isagoo ugu baaqay hay’adaha amniga inay sida ugu macquulsan wax uga qabtaan dhibaatadan oo uu ku tilmaamay mid waxyeeli karta nabadgalyada dalka.

Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan xaafada New Hargeysa, ayaa si weyn u soo dhaweeyey kormeerka Guddoomiyaha xisbiga UCID uu ku soo maray meelaha guryaha laga gubay ee xaafadaas.

Dadweynaha guryaha laga gubay oo uu Guddoomiye Faysal sheegay in ay tiradoodu hada gaadhayso 37 guri, ayaa waxa ay hoy la’aani ku haystaa barxada hore ee guryahooda la gubay. Iyadoo ilaa hada aanay jirin wax gargaar ama taakulayn ah oo ay xukumada Madaxweyne Siilaanyo la soo gaadhay dadkaas muwaadiniinta ah, marka laga yimaado weedho aan dhaafsiisnayn afka oo ay masuuliyiin ka tirsan xukumadu kaga hadleen wax ka qabashada dhacdadan ugubka ah ee fajac ku riday dadweynaha ku nool caasimada.

Si kastaba ha ahaatee dhaliishan uu maanta u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah UCID, ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu maanta galinkii hore wasiirka arimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu asxaabta mucaaradka ku eedeeyey inay qaab guracan oo siyaasadaysan uga faa’idaysanayaan guryaha lagu gubay degmada Gacan-libaax, kaasoo ku eedeeyey inay dadka warar aan wanaagsanaynayn u sheegayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com