Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa, Feb, 25, 2011-)- Dadweyne faro badan oo ka cadhooday hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa saaka mudaharaad aan buurnayn ka sammeeyey xaafadda New Hargeysa ee Bariga magaalada Hargeysa oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ka socotay hawlgallo lagu gubay guryo tiro badan.

Hargeysa, Feb, 25, 2011-)- Dadweyne faro badan oo ka cadhooday hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa saaka mudaharaad aan buurnayn ka sammeeyey xaafadda New Hargeysa ee Bariga magaalada Hargeysa oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ka socotay hawlgallo lagu gubay guryo tiro badan.

Mudaharadaayasha, ayaa isugu soo baxay wadada laamiga ah ee dhexmarta xaafadda New Hargeysa, ayaa taayiro ku gubay badhtamaha wadada oo muddo saacado ah xidhnayd, kuwaasoo ka cadhooday hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gabboose, gaar ahaan mar uu ka hadlayay hawlgallada lagu gubayo qaar ka mid ah guryaha Degmada Gacan-libaax ee Hargeysa oo uu sheegay in guryaha la gubay yihiin buulal iyo cooshash, Waxaannuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland waa dal nabad ah caasimaduna way balaadhatahay oo hada dad hal milyan ku dhaw ayaa ku nool amaankeedu waa fiicanyahay, waxyaabaha dhacay ee beryahan danbe la bilaabay in guryo la gubo 19 guri ayay noqdeen markaanu tiradoodii isu geynay, waxayna ahayeen 17 ka mid ahi Buulal iyo waabab karaatuun iyo waxyaabo kale ka samaysan oo dad danyar ahi ku jireen, balse laba guri oo keliya ayaa guryahaa gubtay ahaa dhismayaal daaro ah. Wax danbs oo weyn oo gaadhayna ma jiraan labadaa sida aan Booliska ka halayno.”

Hadalka ka soo yeedhay Wasiir Gabboose waxa uu cadho-geliyay boqollaal qoys oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee guryaha ugu badan lagu gubay, kuwaasoo saaka isugu soo baxay mudaharaadka lagaga soo horjeedo Wasiirka, waxaanay mudaharadaayaashu ku dhawaaqayeen weedho ka dhan ah Wasiir Gabboose.

Mudaharaadka oo aan wax khasaare ah geysan waxaa si nabadgelyo ah ugu guulaystay inay dadka kala kexeeyaan Taliyaha Booliska Somaliland iyo saraakiil sar sare oo gaadhay goobta mudaharaadku ka dhacay, waxaanay ku qanciyeen mudaharaadayaashu inay si nabadgelyo ah u kala dareeraan, cabashadoodana loo gudbin doono madaxda Dawladda.
maxamed jaamac nuur
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com