Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh, Feb, 26, 2011 maantasomaliland)- Xukuumadda Axmed-silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawladda hoose ee degmada Sheekh Cali Xaaji Cabdillaahi.

Sheekh, Feb, 26, 2011 maantasomaliland)- Xukuumadda Axmed-silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawladda hoose ee degmada Sheekh Cali Xaaji Cabdillaahi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa 14kii bishii aynu soo dhaafnay ee January soo saartay xil-ka-qaadista Xoghayihii hore Cali Xaaji Cabdillaahi, kuna magacawday Xoghaye cusub oo magaciisu yahay Cabdikariin Yuusuf Saleebaan.

Munaasibad xilka loogu kala wareejiyay Xogahayihii hore iyo kan cusub oo uu ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayar-ku-xigeenka Sheekh Cabdi Cartan iyo masuulliyiin kale, ayaa lagu qabtay Xarunta Dawladad hoose ee Degmada Sheekh.

Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Saleebaan) oo munaasibadda xil-wareejinta hadal ka jeediyay, ayaa cannaan dusha ka saaray Masuulliyiinta Degmada Sheekh oo uu sheegay inaanay qaban wax badan oo la taaban karo, waxaannu gu baaqay inay ka jaanqaadaan isbedelka uu xisbiga KULMIYE hormoodka u yahay ee wax lagaga qabanay haggaajinta adeegyada bulshada.

Gudoomiyaha Saaxil waxa uu Xoghayaha cusub kula dardaarmay inuu la yimaado dedaal iyohorumar, islamarkaana uu ka taageeri doono wixii ay uga baahdaan.
maxamed jeex
sheekh
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com