Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka khaarajiga oo baabiyay go’aankii labada gole

Wasiirka Khaarajiga oo Waxba kama Jiraan ka Dhigay Go’aankii Labada Gole ku Mabnuuceen ka Qayb Galka Shirarka Soomaali-weyn

Hargeysa(maantasomaliland)-Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md. Cabdilaahi Cumar, ayaa markii ugu horeysay Golaha Wakiilada ka hortooda ka sheegay in aan waxba ka jirin go’aankii Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland [Guutida iyo Wakiilada] ka soo saareen qof kastoo ka qayb gala shir lagaga hadlayo arimha Soomaali-weyn in uu yahay Qaran-dumis, isla markaana loo aqoonsanayo Nin ku talaabsaday khiyaamo Qaran.

Wasiirka oo Maanta hor tegay Golaha Wakiilada si Xildhibaanadu su’aalo uga weydiiyaan shir lagaga hadlayeyey arimaha Soomaaliya oo dhowaan lagu qabtay dalka Ingiriiska, kaasoo uu ku fadhiyey Wakiila Somaliland ka socday, su’aalaha Mudaneyaaha oo aad u badnaa, ayaa waxa ka mid ahaa Mudaneyaashii su’aalaha ugu kulul weydiiyey Wasiirka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo aha Mudane ka soo jeeda Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, haseyeeshee waqtigan xaadirka ah aan u habran arintaa awgeed, waxaanay ahayd su’aashii Xildhibaan Maxamed Cali: ‘…Md. Wasiir waxa jirta go’aan labada Gole hore uga soo saareen cidii ka qayb gasha Shirarka lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya, adiguna waxaad hada ka soo qayb gahay shir loo aqbatay arimaha Soomaaliya, sidaa darteed ma la odhan karaa waxaad tahay dembiile Qaran..?

Kadib-na waxa uu Wasiirku Su’aashaa kaga jawaabay “..Maya ma jiro wax Sharci ah oo aan jebiyey..”. Sidoo kale waxa ka mid ahaa Mudaneyaashii su’aalaha weydiiyey Wasiirka Maxamed Cabdilaahi Xil Axmed Yaasiin oo isagana su’aashiisu ahayd ‘..Wasiir waxaynu la soconaa sidii Wanaagsanayd ee Madaxweynaheena looga soo dhoweeyay dalka Jabuuti, haddabaa dalka Jabuuti waxa uu hore u aaminsanaa Midnimada Soomaaliya, hadda ma waxbaa iska bedelay, mise inaga [Somaliland] ayaa wax ka bedelnay mawqifkeenii hore ee gooni-siu-taaga..?. U’aashaasna waxa uu Wasiirku kaga jawaabay “..Maya waxba iskama bedelin go’aankii hore ee dalka Jabuuti.. Somaliland-na iyadana waxba iskama bedelin….?

Geesta kale, su’aalaha Xildhibanada oo aad u badanaa awgeed, ayaa waxa inta Wasiirku aanu waxba ka jawaabin sulaahii la weydiiyey, waxaana mararka qaarkood lagu tilmaami karayey jawaabaha Wasiirka kuwa aan gernaba haysan oo aan lahayn ku jeedo iyo ka jeedo toona, taasina waxa ay cadaynaysaa in Wasiirku aanu fahansanayn miisaanka xilka la saaray iyo waxa ay shaqadiisu tahay toona.

Halkan hoose ka akhriso go’aanada uu tir tiray maamula Siilaanyo, isla markaasna ay baabiyeen shuruucdii ay dalku ka dhigatay cida qadiyada Somaliland wax yeelaysa.

Golaha Baarlamaanka Somaliland wuxuu Go’aansaday:

= 1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, Dawlad, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGOyada, Aqoonyahanada, Madxdhaqameedyada, Sugaanyahanada, iyo dhamaanba noocyada ururada bulshada aanay sinaba uga qaybgeli Karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlaayo hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinaayo dhinacka mida kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhan ahba.
2. In cid alaale cidii ku abtirsata Somalialnd ee ka qayb gasha shirkaas amaba abaabusha amaba ku taageerta sifo kasta qawl, ficil iyo qoraalba kaga qaybgasha wadahadalada Somalia ee qodobka 1aad tilmaamaayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran, taas oo ay waajib ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh in ay hor keenaan maxakamadaha awooda u leh iyadoo la raacaayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqadiisa 5aad.
3. Gaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxaa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaarahaaneedba.
4. Waxaa lagula dhaqmayaa xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda in ay abuurto urur bulsho ama noc kasta oo ururada rayidka ahoo u shaqaynaya sidii ay Somalilad u minjo xaabin lahaayeen.
5. Waxaa ka reebandhammaan warbaahinta Somaliland tan xukumada iyo ta madax banaanbaka reeban in ay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhibayoama lagu wiiqaayo jiritaanka Somaliland.
6. Dalka Waaxaa sharci ahaan jira saddex gole qaran oo keliya sida ku tilmaaman Distoorka, waxaa reeban in cidina sheegato Gole kale oo aan ahyn kuwa Distoorku tilmaamay, waxaa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharciga ah ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn.
7. Qofkii loo qabto in u ku kacay qodobadan kor ku xusan waxaa la cafin karaa xukun maxakamadeed ka dib
Go’aankan waxaa lagu meel mariyey fadhi wada jira oo ay labada Gole e baarlamanku ay yeesheen 8-11 October 2003 halkaas oo cod u qaaday , ka dibna ay ku ansaxiyeen 84 Mudane, 2 Mudanaena ay diideen ,2 Mudanena ay ka aamuseen, halka ay 88 Mudanena ay ku fadhiyeen Madasha Shirka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com