Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) Oo Baaq U Jeediyay Guddoomiyaha UCID

Xildhibaan-Dheeg-296x300(maantasomaliland):-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalladii ka soo yeedhay hogaanka xisbiga UCID iyo siyaasiyiinta isku magacaabay madasha wadatashiga oo si qaawan oo ka baxsan milgaha siyaasadda u weeraray madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu u soo jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID in uu ka waantoobo kooxda madasha la baxday ee uu ku dhex milmay, waxaanu tilmaamay in aan cidna laga ogolaanayn in ay ku kacdo wax nabadgelyada wax u dhimaya.

Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Marka maanta aad tidhaahdaan goleyaashii qaranka hala baabiiyo waxaanu leenahay dalka qalaanqalka ha laga daayo, dalka ha laga tilmaamo meelaha uu ka qaloocan yahay dalka meelihii loogu talogalay in ay ka hadlaan ha ka hadlaan, ninka liisanka aan u siina in uu hadlo ee xisbi mucaarad ah jooga ee madax ka ah ee xeryo kale galaya ha ka joogo. Mucaradku maaha aniga waar sida madaxda loola hadlaa maaha sidaa, u sheega meesha ay ka qaloocan tahay idinkoo aan ceebayn.”

Maxamed Maxamuud (Dheeg) waxa uu sheegay in aanay cidna ka aqbalayn in ay ku kacdo wax nabadgelyada wax u dhimaya waxaanu yidhi, “Nabadgalyada dalka in laga xumeeyo ma doonayno marka waxa jira ka yidhaa hala baabiiyo ninka maanta yidhaahda baarlamaanka hala bedelo, goleyaasha ha la bedelo wax kale oo aan jirin ha lagu bedelo shir qaran hala qabto goleyaal qaran baynu leenahay hore ayaanu u soo dhiganay waanu soo dhaafnay shir qaran dib ugu noqon mayno, ictiraafkii ayaan qarka u saaran nahay hadaydaan idinku xumaynayn haddaad xumaysaan karis xun iyana wax kula.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com