Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha ciidanka Badda Somaliland oo sheegay inay xoojinayaan awooddooda milatariy ee dhinaca Badda: admiral axmed aw cismaan cabdi

“Waxaanu Dhakhso u Balaadhinaynaa Quwada Ciidanka Badda ee Somaliland iyo aagaga kala duwan ee ay ka hawl gelayaan ” Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi

hargiesa (maantasomaliland.com) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo socdaal shaqo ku tagay Dalkan Ingiriiska ayaa sheegay in ay dhisi doonaan ciidan badeed oo quwad leh oo qalabkoodu uu dhamays tiran yahay awood buuxdana u leh ilaalinta xeebaha Somaliland

Admiral Axmed aw Cismaan oo dalkan UK u yimi ka qayb galka shir ay qabteen Ururka Caalamiga ah ee Badaha IMO- (International Maritime Organization) oo 17/02/2011 ka dhacay dalkan Ingiriiska oo ay kasoo qayb galeen 58 dawladood, ayaa taliyaha Ciidanka Badda Somaliland shirkaasi waxa uu ka akhriyay qoraal dheer oo ka hadlayay Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo sida ay Somaliland ugu guulaysatay inay xeebaheeda ka dhigto dhul xor ka ah oo ka nabad qabada aafada budhcad badeeda ee ka jirta gacanka cadmeed ee dalka Somalia, waxaa kale oo uu taliyuhu shirkaasi caalamiga ah ka sheegay in lasoo gaadhay xiligii Caalamku uu gacan balaadhan ka geysan lahaa xoojinta iyo balaadhinta ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland oo uu tilmaamay inay yihiin geesiyaal dalkooda ka ilaaliyay inay budhcad badadeed ka hawl gasho.

Jariidada Somali Voice oo Taliyaha kula kulantay magaalada Bristol oo uu booqasho gaaban oo hal maalin ahayd uu ku soo gaadhay ayaa sheegay in ay kordhin doonaan Saldhigyada waaweyn ee ciidamada badda, iyada oo gacanta lagu hayo dhismaha saldhig balaadhan oo lagu kordhinayo Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Saylac, kaasoo badhtamaha bishan March la dhamays tiri doono, iyo Saldhig kale oo isna laga dhisayo deegaanka “Karin” loo yaqaano, waxaana la kordhin doonaa Baraha iyo Saldhigyayada ay ka hawl galaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ku teedsan xeebaha Somaliland oo dhan laga soo bilaabo Saylac ilaa Ceelaayo, iyada oo qalab isgaadhsiineed iyo raadaarro casri ahna la dhisi doono si loola sacdo maraakiibta iyo doonyaha soo gala xeebaha Somaliland.

Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in ay dib u habayn balaadhan ku sameeyeen ciidanka ilaalada xeebaha tan iyo intii Xukuumada cusubi ay talada la wareegtay, isaga oo sheegay inay kordhiyeen qalabka, gaadiidka iyo isgaadhsiinta ay Ciidanka Xeebuhu ku hawl galaan,iyada oo mushaharka ciidankana la kordhiyay 100% isla markaasna ay imika gacanta ku hayaan qorshe balaadhan oo ay ku dhisi doonaan ciidamo aqoon, karti iyo awood balaadhan u leh difaaca iyo ilaalinta amaanka xeebaha Somaliland.

Mar uu Admiral Axmed ka hadlayay inay qoran doonaan ciidamo cusub ayaa waxa uu sheegay in ay kordhin doonaan ciidanka, isla markaasna ay ku talo jiraan inay Ardayda dugsiyada sare iyo jaamacada ka baxay ay ka qoran doonaan xubno cusub oo lagu kordhiyo ciidanka ilaalada xeebaha oo Tecknical ah, isla markaasna kor loo qaadi doono guud ahaan aqoonta kala duwan ee ciidanka ilaalada xeebaha si loo helo ciidan dhisan oo tayo leh si buuxdana u guta waajibka saaran, siina kordhiya hawsha qiimaha leh ee ay qaranka u hayaan ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu.

Waxa uu Taliyuhu sheegay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ay xidhiidh wada shaqayneed oo buuxda ay la leeyihiin maraakiibta ciidamada shisheeye ee ku sugan biyaha gacanka cadmeed iyo xeebaha kulaalaya geeska Afrika, isaga oo sidoo kalana uu sheegay in Dawlada Ingiriisku ay kaalmo muuqata oo dhinacyo badan leh ay u fidiso ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu waxa uu sheegay inay wada shaqayn buuxdaa ay ka dhaxayso ciidamada kala duwan ee Somaliland sida Ciidamada Qaranka,Ciidamada Boliska, iyo Ciidamada Sirdoonka, dhamaantoodna iyaga oo is kaashanaya ay awood buuxda u leeyihiin Difaacida iyo ilaalinta Xuduudaha Dhulka, Badda iyo Cirka ee Somaliland.

Kaysar Cabdilaahi
Tafatirka Somali Voice
Bristol. UK
kaysar@europe.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com