Is-xanbaarka is-xanbaartay ma xanbaari karnaa? (Xukuumadda iyo xeer-dejinta)
(maantasomaliland):-Waxaan garanayaa,
Haddii ay gef tahay,
Galab aan fogayn,
Nidar in aan ku galay,
Nin damboo giblada,
Sidii Guul-wadii,
‘Hay-Hay’ la guro,
Inaan gooddi iyo,
Dib gafuur-xidh kale,
Ugu suuro-gelin,”
Maansadii Gar-naqsi, Gaarriye, 24/4/1983kii,
Jiidihii hore ee dagaalladii dibuxoreynta Qaran,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormadii: 1aad
Ma maqli jirteen: “Is-ma dhaantiyo dhasheed.” Alleylehe waa tan oo kale. Waxa ka sii daran kuwa ay codkooda iyo gacantoodaba ku yimaaddeen ee maantana looga fadhiyo taa shalay dhacday ee aan la mahadin teedii. Odeygii doobta weynaa ee Timacadde ayaa laga hayaa: “Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateen.”
Nadaladu xilliyada qaar, waxay ahayd mijinta jaadka ah marka afar meelood loo qaybiyo meel. Garo’ oo Odeygu wuxu ka hadlayay doorashooyinkii aan la mahadin ee ma-hadhada reebay ee lixdannadii iyo sidii dadka codkooda looga siisan jiray nadalo jaad ah ama kiish hadhuudhkii cas-casaa ah. Kaasina wuxu ahaa hadhuudh waqtigiisii dhacay oo fardaha Mareykankuba ka khashaafeen oo dadka lagu khiyaamayn jiray, sida maantaba saansaankeedii muuqdo.
Inta aanan qalin-taraarin aynu dhammaanteen hambalyayno intii mowqifka shariifka ah qaadatay ee ka tarjuntay dareenka shacbiga Somaliland ee tabaalaysan ee xukuumaddii iyo xeer-dejintii u tusmayn lahaa ku tacaddiyayaan. Aynu hambalyayno magacyadan hoos ku taxan ee milgaha iyo maamuuska la yaabka leh siiyay dadkii soo doortay ee ay xilkooda qaadeen. Xildhibaannadaa dhabta ahi waxay kala ahaayeen:
1. Mudane Ibraahin Jaamac Xaaji Cali (Reyte),
2. Mudane Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi,
3. Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa,
4. Mudan Baar Siciid Faarax,
5. Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore,
6. Mudane Siciid Cartan Cismaan Faarax,
7. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac,
8. Mudane Cali Xaaji Maxamed Muuse,
Waxa kale oo aynu halkan hambalyo aan duugoobin iyo bogaadinba uga diraynaa Mudane Maxamed Faarax Qabille oo intuu ka gabyay, go’iisiina ka qaatay oo ka hulleelay goobti qarannimada iyo ummadaba aayaheeda lagu ambinayay. Guul iyo Gobannimo dhammaantood. Ilaahay ayaanu gallad iyo gargaarba idiin ka barinnay. Il iyo cawriba la’aada. Aammiin.
Mudane Maxamaed Faarax Qabille, tix Qaasim lahaa ayuu mariyay oo xalay aynaan ka wada daawan TV-iiyada. Bal hadda aan inooga soo raro Google-ka, Qaasinna tixdaa wuxu ku yidhi:
“Cashadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho Dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, Caalimka ahaaye,
Anigaa se Moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay Awliyada, laga cadhaysiiyey,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, Caabud iyo Gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,
Caanuhu dhawaan way ka quban, ciil dar loo qabaye,
Inay Curaddo khayr lihi kacaan, ciiddan la arkeeye,
Ceeryaamo subaxeed nin nool, curadka roob moodye,
Mar se haddii cadceed lagu dhex daro, wayska cidinciide,
Caloolyow aan kugu raagihayn, ciidda haw qodin e’,
Cagta ii dhig waakaa nabsigi, soo cadceedsadaye.”
Alleylehe, Mudaen Maxamed Faarax Qabille dabka inta uu ugu xiddigiyay, ayuu si cad oo aan mugdi ku jirin inoogu sheegay in xilli cusub oo aan loo fadhiyini ka beryay dalka, weliba iyada oo aanay dadka intiisa badani ka dareen-qabin.
Ma intii soo hadhay baa? Waa Xildhibaannadi dalka iyo dadka ka codeeyay, sida ay ila tahay laba ayay u qaybsanaayeen:
1. Dar ama koox marka horeba gar iyo gardarro wixii xaggaa xukuumadda ka yimaaddaba gacan iyo gelbis ula taagan,
2. Dar ama koox is-tus ah oo madasha dood kulul ka geysata oo ay ku ambinayaan ra’yiga dadweynaha, marka dambena goroddaa soo laalaadiya oo wax aynaan garanayn oo aynaan geyin la hor qabto ama la hor qaadaba. Doodda kulul ee ay geystaan, wax kale ugama gol laha sida dadka intiisa badani aamminsan tahay oo aan ahayn in ay qiimaha iibka codadka kor u qadaan,
Kuwaana dab liqaanu nidhi. Dagantaad dhacaysaan habaarkoodu idin ma seego oo cadka quudheed cunaha idiin ma dhaafo. Waa halkii uu Macallin Gaarriye ka odhan jiray:
“Nin abwaanana waan ahoo,
Ereygiisu tuf leeyay,
Amminna waan gabyayaa,”
Xilow ba’! Haddii xaynka loo sudhay nimaan xilba dhibayn……Nimaan xilba solin…….Nimaan ku xasilin…..Nimaan ku xamdiyin. Nimaan xeer iyo xaagaanba wixii uu lahaa aan marin. Wixii laga xishoon jiray ayaa lagu xarragoonayaa. Oo weliba inta xariir loo xidho lagu xafladaynayaa. Niman aynu xulannay oo xoolaheennii ku doorannay ayaa xilkoodii baal-maray oo hadba xeer baas ku qadhaabanaya. Xil-dhibaanno ayaynu u naqaannaa, waa se xil-ma-dhibeen ma is-tidhaahdeen?
Bal codayntii 24/9/2013ka, ka warrama? 70 ayaa fadhiyay. Ka warrama dee! Marka aayaha ummadda laga talinayana tirada ansixintaba (quorum) waa la waayaa. Subxaan! Tanina ma inoo dambaysay innaga oo madax-bannaani sheeganayna? Oo weliba ictiraaf raadinaynaa?
La-ye, markii Golaha wakiillada laga baxayba, Odeyguna saxeex beryahanba lala sugayay ayuu ku duugay. Iyaga iyo Allahood e’, waxay isla dhex marayeen: “Markab taagan oo xoolo badan sida ayaa laga gaadhsiinayay.” Qaar baa moodaya in waddooyin lagu dhisayo. Kuwaas ma-kasta ahi miyaanay ogeyn Hay’addii ‘Somaliland Road Authority’ ee Cigaal iyo Ra’yaaleba hawl-geliyeen ee lagu tamariyay in la tir-tiray. Hadda waxay inoo ahayd weel ay adduunyadu, gaar ahaan EU-du wax inoogu shubto. Beryaha qaarna iyada ayaa Afrikaba u sidatay.
Maxay daarran tahay deeqaha dunida diid oo dadkaaga cashuur aan jirin saar? Bal tabaalahaa daya!
Cod-bixintani wax kale ma ay ahayn oo aan ahayn midhihii ka soo baxay safarkiisii gaabnaa ee uu dhawaan ku soo maray gobollada dalka qaarkood.
(La soco………………………………)