Home » Entries posted by MaantaSomaliland (Page 54)

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Sheegay In Dhawaan Keeni Doonaan Cusub Oo Laga Dhageysan Doona Gobollada Wadanka Oo Dhan.

Hargeys) Mar. 08, 2011- Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacgalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta sheegay in dhawaan la keeni doonaan dalka idaacada wada gaadha gobollda oo dhan, taasoo lagaga hortagi doono dacaayadaha uu cadawgu faafinayo. Wasiirku waxa uu hadalkani  ka sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Ingiriiska oo […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socda Dalka Ingiriiska

Hargeysa (maantaSomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska. Warsaxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir uu ka soo saaray Kulankii Madaxweynuhu la yeeshay  weftigaasi waxaanu u  dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,waxa […]

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Oo Si Heer Qaran Ah Loogu

  Hargeysa (maantaSomaliland.)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb galay aaska Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Somaliland Marxuum- Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo Isniintii ku geeriyooday magaalada Hargeysa maantana si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol Jire ee galbeedka caasimada. Waxa kale oo aaska marxuumka ka qeyb […]

Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu ka dheereeyey Guuxiisa. Wariye:Saleban Cabdi Cali C/lahi Maxamed Daahir waxa uu dusha ku qaatay afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga,

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/lahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo ahaa shakhsi ka mid ah dadkii Xisbiga Kulmiye ku caano maalay qalinkooda,kana qayb qaatay Ololihii lagu hujuumay Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale iyo Xisbiga UDUB,isla markaana madaxweyne Siilaanyo markii uu talada ku guulaystay u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo sida la rumaysanyahay aanu u qalmin,balse loogu abaal guday, waxa […]

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaashaanka U Daruuray Weerar Gardarro Ah Oo Ay Ku Soo Qaadeen Malleeshiyaadka Maamul Gobolleedka Puntland Ee Somaliya.

Gambadha(maantasomaliland) Mar. 08 2011 – Ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa iska caabiyay weerar ay ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku soo qaadeen shalay fiidkii ciidamada Somaliland ee fadhiya jiida hore ee Gambadha oo dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada weerarka soo qaaday dib loogu celiyay deegaanka Tukaraaq oo ay hore ugu sugnaayeen. […]

Taliyihii Sirdoonka Gobolka Laascaanood Oo La Dilay Iyo Ku Xigeenkiisii Oo La Dhaawacay.

Sirdoonka… Laas-caanood(maantasomaliland) Mar,08.2011-Sarkaal Sirdoonka Gobolka Sool oo lagu dilay xalay badhtamaha magaalada laas-caanood iyo sarkaal kale oo lagu dhaawacay. Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) ayaaToogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, iyadoo sidoo kale Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame. falkan ayaa la xaqiijiyey in ay geysteen dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan. Dilkan […]

Madaxweynaha Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Labaad Ee Hargaysa Iyo Nuxurka Khudbadihii Madaxda

Madaxweynaha Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Labaad Ee Hargaysa Iyo Nuxurka Khudbadihii Madaxda Hargaysa (maantaSomaliland.)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jiray Biriijka cusub ee magaalada Hargaysa, kadib markii la dhamaystiray dhismaha biriijkaasi oo soconayay muddo dheer. Kaas oo noqonaya Biriijkii labaad ee ay yeelato Caasimadda Somaliland. Munaasibad ballaadhan oo […]

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Sheegay In Dawladu Aanay Awood U Lahayn Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Magaalada Hargeysa, Beeniyayna In Uu Ka Qayb Galayaan Shir Ay Fadhiyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada somaaliya

(Hargeysa) Mar. 02, 2011- Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay xukuumadu awood u lahayn wax ka qabashada xaalada biyo la’aaneed ee sannadaha badan ka taagan Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, taas oo ay ballan qaaday xukuumadu wakhtigii ay ku jirtay ololihii doorashadii madaxtooyada inay biyo […]

War Deg-Dega Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale.

War Deg-Dega Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale. Burco-(maantasomaliland.com)-War Deg-dega Dagaal ayaa ka SocdaDegaanka Kalshaale Dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeya Ciidamada Qaranka Soomaaliland iyo Kooxaha nabad Diidka ah ee ka Soo jeeda degaanka Buuhoodle. Dagaal kan ayaa hadda socda lamina sheegin waxa sababay dagaalkan waxaana la isku adeegsaday Hubka Noocyadii kala duwan.wixii warar ah ee soo […]

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya

(maantasomaliland) 1/3/2011 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulan shir ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya. Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii isniintii ee ay […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah. Hargeysa (maantasomaliland)) Mar. 01, 2011- Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la […]

Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin

Hargeysa, Mar, 1, 2011-(maantasomaliland)- Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin oo uu ka dalbadayka-qaadistiisa, ka dib markii si. Xisaabihii Guud ee Qaranka oo maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyay xil-ka-qaadistiisa ku qabtay […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com