Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Warsaxafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa lagu sheegay in aanu jirin warar ay baahiyeen qaar ka mid warbaahinta guddaha

Warsaxafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa lagu sheegay in aanu jirin warar ay baahiyeen qaar ka mid warbaahinta guddaha, kaas oo sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu weedho aflagaado ah ku ganay culimada dalka.

Kulmiye

Warsaxafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxa maalintii Salaasadda ee taariikhdu ahayd 03/03/2015 lagu daabacay warbaahinta qaarkood war la xidhiidhay hadal dardaaran iyo tilmaan ahaa oo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey, balse saxaafadda qaarkeed, gaar ahaan Wargeyska HIMILO si cad u marin-habaabiyey oo aflagaado ku ah culimada oo dalkan iyo dadkiisaba karaamo iyo qadarin ka mudan.

Haddaba, waxa xisbiga KULMIYE u caddaynayaa shacabka reer Somaliland in warkaasi ahaa mid si been-abuur cad ah loo dhigay sida Wargeyskii baahiyeyba ku saxay cadadkiisii maanta (04/03/2015).

Gabogabadii, aflagaadada birmagaydadu maaha dhaqanka Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbiga KULMIYE toona, waxaannuna warbaahina uga digaynaa faafinta wararka been abuurka ah ee ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerka saxaafadda dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Maamulka, Xisaabaadka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com