20 Sanno Ka Dib Iyo Xamaasadda Qaban qaabadda Xuska 18-ka May
Hargeysa (maantasomaliland.com) – Qaban-qaabada Xuska munaasibadda 18-ka May oo ku beegan 20-guuraddii ka soo wareegtay Markii ay Somaliland Xoriyadeeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa si aad ugaxamaasad badan waqtiyaddii la soo mara oo dhan looga dareemayaa, guud ahaan Caalamka. gaar ahaan Somaliland.
Waxaa calanka midabadda saddexda ah leh ee Tawxiidka iyo Xidigta lagu
dhafay oo Qaranka Somaliland Astaan u ah sanadkan lagu qurxiyey
fagaarayaasha doodaha la isku dhaafsaddo ee Mareegaha Intarnetka, haba ugu muhiimsanaado Facebook-guye.
Jaaliyaddaha reer Somaliland ayaa gees illaa gees aduunyadda meel ay
joogaanba isu bahaystay oo diyaar-garow shilis ugu jirra muuneynta
Munaasibaddan qaaliga ah. iyaddoo Xukuumadduna u saartay guddi heer
qaran ah oo ka hawl-galay qaban-qaabadda Xuska maalintan, kuwaasoo
fadhigoodii ugu horeeyay shalay yeeshay.
Haa, in kasta oo aanay ilaa hadda Somaliland ku biirin dunidda is
aqoonsan, haddana, shacbigeedu maalinba maalinta xigta ayuu ka sii
niyad wanaagsan-yahay, waana ta keentay in sanadba sanadka ka sii
danbeeya ay ka sii xoogaysato shucuurta iyoxiisaha ummaddu.
Intii labaatankaa sano subaxnimo wadada marta badhtamaha magaalada
Hargeysa socod gaardis ah ku maray, Kooxo ka mid ah ciidamada
Somaliland oo ay wehelliyaan gaadiid tikniko ah oo Is-jiidanayaa ee
damaashaad lagu gaaf-wareegay Fagaaraha Khayriyadda.
Intii nashaad iyo ka soo qayb-gal miisaan leh dadweynuhu muujiyeen ee
Beerta Xoriyadda xafladduhu u soo wareegeen iyo intii khudbaddo
qiimo-leh madaxda Somaliland ay jeediyeenba waxaynu ku soo qaadan
taxane kooban oo taareekheed tan iyo inta laga gaadhayo maalintan.
balse, aan ku furro oo dib u eegno 1960 illaa 1991-kii.
Milicsi Taariikheed
Waxaan Xassuustay, Astaamaha geesinimo ee reer Somaliland lagu
majeerto, qormooyin badanna lagu muujiyay. haddii aanay ahayn ummadd leh garasho, isku tanaasulid iyo inay danta shakhsiga ah ka horumarisa danta qaranka,. miyay ku dhici lahaayeen inay shuruud la’aan kulla midoobaan Soomaaliya, maalintii ay xornimadoodii gacantooda soo gashay26, June 1960.?
Miyay ka dhabeyn lahaayeen fikirkii niyad-wanaaga ahaa ee ay ku
baadi-goobayeen Shan Soomaaliyeed oo wadda-socta oo calan ku
sheekaysa.?
Miyay Hargeysa oo caasimad u ah, dawlad Calan leh, Ciidan leh oo
aqoonsi haysata, Xuduudeeduna sugantahay shuruud la’aan u aqbali
lahayd in laga Xukumo oo wax walba loo wareejiyo Muqdisho oo dal kalle
ah sharciyan.?Waxay ahaayeen walaal wanaagsan oo wehel doon ah. Waxay doonayeen inay tusaale iyo wayeel u noqdaan Jinsigoodda oo lagu daydo. waxay eegayeen in lagu qaabillo waddaniyad ka badan midda ka qiiraysiisay ee ay
Qarannimaddooda u hureen.
Waxay dhawrayeen xushmad iyo qadarin ay ku muteen doorka ay ka qaateen Halgankii ay la galleen Gumaysiga ee ay ku mutteen inay noqdaan meeshii koowaad ee Calan Af-Soomaali ku hadlaya laga taago. Laakiin,
waxa dhacay waxaanay filleyn. waxay arkeen, wax aanay eegeyn iyo ummad gabi ahaanbta ka duwan feker ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Intii ay wanaag u arkayeen iyo dedaalkii ay ku jireen oo dhan ayaa
arragti ahaan ugu muuqday dawladdii kalle ee ay la midoobayeen khalad.
Niyad-samaantii, niyad xummaa loo rogay, dantii guud, kalli tooxsi iyo
kooxaysi ayaa laga dhigay. Judhiiba reer Somaliland waxa u soo baxay
in aan loo jeeddin wixii ay u socddeen. waxaa taabtay markiiba tacaddi
iyo gabood-fal loola badheedhay.
la soco faaladanqaybteeda labaad
c.m.faarax
hargaysa