Guddida dawlada ee gacanta ku haysa maamulka haamaha shiidaalka iyo adeegyadii ay haysay Shirkada Total Oil Mer Rouge, ayaa sheegay in aanay jirin shirkad ruqsad loo siiyay keenista shiidaalka iyo hawlihii Total labadaba warsaxaafadeed.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddida dawlada ee gacanta ku haysa maamulka haamaha shiidaalka iyo adeegyadii ay haysay Shirkada Total Oil Mer Rouge, ayaa sheegay in aanay jirin shirkad ruqsad loo siiyay keenista shiidaalka iyo hawlihii Total labadaba.
Sidaasna waxa waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar oo ka mid ah guddidii dhawaan madaxweynuhu u xil saaray inay xilka haamaha shiidaalka maamulaan waxaanu war-saxaafadeedkaasina u qornaa sidan:-
“Sida laga war qabo waxay xukuumadda Somaliland soo saartay xeer madaxweyne No.0131 oo lagu caddeeyay inay xukuumaddu la wareegtay maamulka hawlihii ay qaban jirtay Total Oil Mer Rouge laga bilaabo 22/05/2011.
Waxay xukuumaddu halkan ku caddaynaysaa in illaa iyo inta la dhamaystiraayo nidaam qandaraaseed furan oo ay ku tartamaan Shirkadaha danaynaya la wareegida hawshan ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayn doonto maamulka Haamaha iyo adeegyada shirkada Total ay gacanta ku hayn jirtay oo dhan.
Waxa kale oo ay xukuumaddu cadaynaysaa inaanay haba yaraatee jirin shirkad ama shakhsiyaad gaar ah oo la siiyay heshiis ama ruqsad la xidhiidha keenista shiidaalka iyo maamulka Haamaha shiidaalka ee ay Total gacanta ku haysay.”
xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa/office